Dowlada Ethiopia oo ku dhowaaqday in sanadka soo socda la qabanayo doorasho guud

Xisbiga xukuma dowlada Ethiopia ee EPRDF ayaa ku dhowaaqay in doorasho guud ay ka dhici doonto dalka Ethiopia sanadka soo socda.

Getachew Reda oo ka mid ah golaha fulinta ee xisbiga maamula dalka Ethiopia ayaa sheegay in guddiga fulinta uu gaaray go’aan ah in la qabto doorasho guud sanadka 2020.

Go’aankan ayaa meesha ka saaraya shaki laga qabay in dowlada Ethiopia ay awoodi karto in la qabto doorasho guud kadib qalqal dhinaca siyaasada iyo ammaanka ee soo wajahay dalka ku yaal Bariga Afrika.

Afgambi dhicisoobay oo ka dhacay bishii June gobolka Amxaarada ayaa dhaliyay shaki ah in ammaanka uu sugi karo xisbiga xukuma dalka Ethiopia iyadoo ay sii socdaan khilaaf dhinaca qowmiyadaha u dhexeeya oo ka jira gudaha dalkaas.

Hase yeeshee xisbiyada mucaaradka dalka Ethiopia ayaa hore uga digey in dib u dhac uu ku yimaado xilliga doorashada dalka inkastoo dad ka badan labao malyan oo ruux ay ku barakaceen gudaha dalkaas sababo la xiriira ammaan darri.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *