Xildhibaan Kenyan ah oo ka soo horjeestey in ciidamo la geeyo xadka Badda Soomaaliya iyo Kenya

Mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Kenya kana soo jeeda gobolka ay Soomaalidu degto ayaa ka soo horjeestey qorshaha ay dowlada Kenya ku geyneyso ciidamada badda xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xildhibaan Maxamed Daahiye Ducaale oo kamid ah Xildhibaanada Soomaalida ayaa ku tilmaamay in go’aankaan uu dhalin karo xiisad muddo dheer socota taasoo ka dhex dhalata dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaa wanaagsan in la wadahadlo si looga maarmo gacan qaad dhex mara labada dowladood ee deriska ah.”ayuu yiri Xildhibaan Daahiye.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dowlada Kenya in ay joojiso waddooyinka aan wanaagsaneen oo ay u mareyso ka falcelinta dacwadda Badda.

Baarlamaanka Kenya ayaa waxaa horyaal mooshin ka dhan ah dacwada badda ee u dhexeysa dowlada Soomaaliya iyo dowlada Kenya.

Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ah ee hoostagta Qaramada Midoobay ayuu tilmaamay Xildhibaan Maxamed Daahiye Ducaale in ay gacanta ku heyso, sidaas awgeed uu dalbanayo in aan laga hordhicin.

Go’aanka Baarlamaanka Kenya ay ku qaateen in Ciidamo la geeyo Badda Soomaaliya ee Kenya sheeganeyso waxa uu ku sheegay arrin sii cakireyso Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya sida uu hadalka u dhigay.

Bisha soo socota ee September waxaa lagu ballansan yahay in go’aan ay soo saarto Maxkamadda ICJ Kiis dacweedka loo gudbiyay sanadkii 2014-kii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *