Aadan Barre Ducaale oo si kulul uga hadlay mooshinka xuduuda Badda Soomaaliya & Kenya

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa si kulul uga hadlay mooshinka uu u gudbiyay baarlamaanka dalkaasi kaasi oo ku saabsan muranka Badda ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Aadan Barre Ducaale oo ka soo jeeda Soomaalida gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in maxkamadda ICJ aanay sharci u laheyn qaadista dacwadda ku saabsan xuduuda Badda oo Dowladda Soomaaliya ka gudbisay dowladda Kenya.

Waxa uu sheegay in dacwadda Badda ee u dhaxeysa labada dal lagu xaliyo qaab wadahadal ah maadaama uu ka dhaxeeyo cilaaqaad iyo xiriir dhinacyo badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *