Dad badan oo ku dhintay booyad shidaal oo qaraxday

Dabkaan ayaa ka kacay booyad nooca shidaalka qaada deegaanka magaalo xeebeedka ah ee  gobolka bartamaha ee waddanka Tanzania,waxaana la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen ku dhowaad  60 qof.

Taliyaha booliska gobolka Morogoro, Wilbroad Mutafungwa ayaa sheegay in goobta ay ka qaadeen 57 ruux,waxzaana sidoo kale la arkayay Sawiro la soo dhigay Baraha Bulshada holaca dabka oo goobo kala duwan ku faafay iyo burburka Booyada.

Warbaahinada qaarkood ayaa tebinaya in booyada ay markii hore dadka isku dayeen inay boobaan shidaalka saran,kadib markii ay rogmatay,hayeeshee markii dambe ay qaraxday.

Magaalada uu shilkan ka dhacay ayaa marin muhiim ah u ah gaadiidka waaweyn ee shidaalka kasoo qaada dekedda Dar es Salaam, oo ah magaalada ganacsiga ee waddankaas.

Dhacdadaan ay dadka badan ku dhinteen ee dalka Tanzania  ayaa kusoo aadeysa xilli Bishii lasoo dhaafay, ugu yaraan 45 ruux ayaa ku dhintay booyad ku qaraxday gobolka Benue ee waqooyiga dalka Nigeria.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *