VIDEO: In ka badan laba milyan qof oo maanta taagan buurta Carafo

Magaalada Makka ee wadanka Sacuudi Carabiya waxaa maanta ka baxay in ka badan laba milyan qof, kuwaasi oo gaaray buurta Carafo si ay u gutaan acmaasha Xajka.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sanadkaan kordhisay ammaanka malaayiinta xujeyda ah ee isaga kala yimid dalalka caalamka, iyadoo halkaasi geysay ciidamo, gaadiid kala duwan oo isugu jira kuwo rakaab ah iyo kuwo kale oo sida qalab caafimaad.

Goobaha barakeysan ee magaalada Makka ayaa ah sanadkaan kuwo si casri ah loo dhisay, taasi oo sanad kasta ay dhibaato ku qabeen xujeyda isla markaana loo sameeyay meelo waddooyin ah si aanu halkaasi uga dhalan is buurasho.

Dowladda Sacuudiga ayaa sanadkaan dalkeeda horay uga mamnuucday xujeyda ka imaaneysa qaar ka mid ah dalalka uu ka dillaacay cudurka Epola iyadoo soo xiganeysa warbixin hay’adda caafimaadka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO loo yaqaano.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *