Xuutiyiinta Yemen oo qirtay in ladilay hogaamiyahooda walaalkiis.

Falaagada Xuutiyiinta ee dagaalama gudaha dalka Yemen ayaa sheegay in isbahaysiga uu hogaamiyo Sucuudiga ay dileen hogaamiyahooda walaalkiis.

Dhimashada hogaamiyaha walaalkiis ayaa lagu shaaciyay website’ka Al Masirah ee lagu qoro wararka kooxda Xuutiyiinta.

Wasaarada arimaha gudaha ayaa dhankeeda sheegtay in dilka loo gaystay Ibrahim Badrudin Al-Houthi ay sidoo kale ka qayb qaadeen dowlaha Mareykanka iyo Israel.

Kooxda Xuutiyiinta ayaanan wax faah faahin ah ka bixinin waqtiga ladilay Ibrahim Badrudin al-Houthi oo la dhashay hogaamiyahooda Abdul-Malik Al-Houthi.

Colaada Yemen oo bilaabatay sanadkii 2014’kii ayaa isbahaysiga uu hogaamiyo Sucuudiga waxa ay ku soo biireen bishii March ee sanadkii 2015’kii.

Waxaana lasheegay tan iyo waqtigaasi in colaada Yemen ay ku dhinteen kumanaan ruux iyadoona 85,000 oo caruur ah ay halis ugu jiraan in ay macluul u geeriyoodaan sida ay Qaramada Midoobe sheegtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *