Kooxda Arsenal oo u baqeysa amniga qaar ka mid ah Ciyaartoydeeda

Mesut Ozil iyo Sead Kolasinac ayaa laga reebay ciyaartoyda kooxda Arsenal uga qeyb gali doona kulankooda ugu horreeya tartanka horyaalka Premier League-ga, kaasoo ay la yeelan doonaan kooxda Newcastle United.

Mas’uuliyiinta Arsenal ayaa sheegay in sababta laacibiintan looga tagay ay tahay cabsi laga qabo “in khatar kale la galiyo amnigooda”.

Labada ciyaartoy ayaa dhawaan ka badbaaday isku day ay koox hubeysan ku damacsanaayeen inay gaari uga dhacaan, xilli ay ku sugnaayeen waqooyiga-galbeed ee magaalada London.

Falkaas oo dhacay labo isbuuc ayaa abuuray walwal xoog leh oo laga qabo in la bartilmaameedsado laacibiintan.

Maamulka Arsenal ayaa sheegay inay wadashaqeyn la sameynayaan booliska isla markaana ay ilaalinayaan amaanka ciyaartoydan iyo qoysaskoodaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *