Cawaale Aadan: “Jamhuuriyadda Somaliland waxay laf dhabar ka tahay umadda Soomaaliyeed”

Fannaanka caanka ah ee reer Jabuuti Cawaale Aadan ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay markii ugu horeysay magaalada Hargeydsa ee caasimadda Somaliland.

Hadal kooban oo uu ka jeediyay munaasabadda soo dhoweyntiisa ayuu fannaanka Cawsaale Aadan uga hadlay imaatinkiisa magaalada Hargeysa, isagoona sheegay inay tahay magaaladii qeybta weyn ku laheyd fankiisa.

“Jamhuuriyadda Somaliland iyo magaalada Hargeysa waxay laf dhabar ka tahay umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri fannaanka Cawaale Aadan oo sheegay in dadku wixii ay doonaan kaa sheegi karaan.

Waxa uu sheegay inuu uga mahad celinayo xubnihii doorka ku lahaa socdaalkiisa Somaliland oo uu sheegay inuu qeyb ka ahaa safiirka Somaliland ee dalka Jabuuti, maamulka garoonka diyaaradaha Hargeysa iyo Dowladda Jabuuti.

“Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Somaliland waa dad walaalo ah oo wada dhashay inaan isku xirdhnana waa shaqada yadii” ayuu yiri Cawaale Aadan oo sheegay inuusan weligii tegin meel qaran lagu yagleelayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *