Sh. Umal: “Saddex qof Alle lama hadlo umana naxariisto maalinta qiyaamaha” (Dhageyso)

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa khudbad uu maalintii Jimcaha ka jeediyay masjid ku yaala magaalada Nairobi waxa uu uga hadlay arrin xasaasi ah oo culimada Soomaalida inta badan isku khilaafeen isla markaana ku saabsan habka ay u labistaan ragga.

Waxa uu sheegay in ragga Soomaaliyeed ay hoos u dhigaan maciista, surwaalka ama khamiiska ay xiran yihiin, taasi oo Sheekh Umal sheegay in Nabi Muxamed CSW uu saxaabadda faray inay khamiista ay xiran yihiin ka kor mariyaan anqawga.

“Aaway dadkii dhahayay wadaadadaan maryaha uun ku mashquulsan, muslimiintii arrimo waaweyn baa heysata, gumeysi baa heysta, iyagii ayaa is heysta?” ayuu yiri Sheekh Umal oo sheegay in ruuxa Islaamka ah looga baahan yahay inuu diintiisa u hoggaansamo.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in badan badan oo Muslimiinta ka mid ah ay yiraahdaan ‘Waa dad khaas ah oo Wahaabiyey dhaqan u tahay’, isagoona sheegay inay Wahaabiyo yihiin haddii ay taasi dhaqan tahay.

Qofka labaad waa ruuxa abaal sheegadka badan, wuxuuna Sheekh Umal sheegay in qofka noocaas ah aanu Alle u naxatriisaneyn, haddii ay tahay cilmi uu dadka baray, xoolo uu bixiyay amaba uu ka badbaadiyo khatar oo uu ku galladeystay.

“Waxa aad baxsatay ixsaanka iyo wanaagga aad geysatay hadaad abaal sheegad ka daba geyso way burtay waxba kuuma yaalaan” ayuu yiri Sheekh Umal oo sheegay in dhaqanka noocaas ah aanu ku bannaaneyn ruuxa mu’minka ah.

Ninka saddexaad ee Nabigu SCW tilmaamay in Alle fiirineynin, la hadleynin, daahirineynin, xanuun badanna uu leeyahay waa ninka ganacsadaha ah, badeecadiisa iyo alaabta u taala ayuu ku socodsiiyaa dhaar.

“Markaad dhaaraneyso waa shey weyn magaca Ilaahey baad cuskaneysaa, dadka aad u dhaaraneyso waxay kaaga rumeysanayaan magaca Alle” ayuu yiri Sheekh Umal oo ku booriyay ganacsatada inay arrintaasi ka waantoobaan isla markaana iska ilaaliyaan haddii ay rag yihiin iyo haddii ay haween yihiinba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *