Rag kufsi iyo dil isugu daray gabar da’ yar oo Maxkamadda Puntland dil toogasho ah ku xukuntay

Maxkamadda sare ee maamulka Puntland ayaa maanta go’aan ka gaartay saddex eedeysane oo ku lug yeeshay kiiska kufsiga iyo dilka ah ee Caa’isha Ilyaas Aadan kaasi oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Eedeysanayaashaan oo saddex wiil ah Cabdishakuur Maxamed Dige, C/Fataax C/raxmaan Warsame iyo C/raxmaan Warsame ayaa waxay maxkamadda Puntland ka gaartay go’aankii ugu dambeeyay kaddib markii muddo dhowr goor dacwadu ay soo mareysay heerar kala duwan.

Guddoomiye Ku xigeenka maxkamadda sare ee Puntland Ciise Maxamed ayaa ku dhawaaqay kiiska Caa’isha Ilyaas Aadan, isagoona halkaasi ka akhriyay hab raacyada maxkamadda waxay go’aamisay in la toogto saddexda nin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *