AKHRISO: Ahlu Sunnaha gobolada dhexe oo farriin culus ka soo saaray shirka Dhuusamareeb

Hoggaamiyaha ugu sareeya ururka Al-Sunnaha gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya Sheekh Maxamuud Xasan Faarax ayaa markii ugu horeysay soo saaray farriin culus oo ku saabsan shirka wada tashiga ee Dhuusamareeb ku dhex maraya culumaa’udiinka Ahlu Sunna iyo beelaha degan degaanada Galmudug waa sida lagu qoray qoraal uu ku saxiixan yahay hoggaamiyahaasi.

Qodobada ugu muhiiman ee Sheekh Maxamuud qoraalkiisa ku sheegay inuu arkay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay in Dowladda Federaalka ka weecaneyso qodobada heshiiskii ururka Ahlu Sunna la galay Dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale oo ka mid ah in saraakiisha khibradda u leh la dagaalanka Al-Shabaab gacantooda laga bixinayo loona dhiibayo talada dad xiriir la leh kooxo xagjir ah.

Qoraalka ayaa lagu xusay ilaa 11-qodob ayaa waxaa ka mid ahaa in la hubiyo dadka matala maamulada dalka inaysan ka mid noqon kuwa aaminsan fikirka khawaarijta iyo qodobo kale oo dhammaantood siyaabo kala duwan u khuseeya habsi u socodka shirka wadahadallada beelaha degan gobolada hoos taga maamulka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *