Kenya oo heegankii ugu xooganaa gelisay ciidamadeeda xadka ay la wadaagto Soomaaliya

Dowladda Kenyya ayaa xoogan waxay gelisay ciidamadeeda Milateriga iyo Booliska sida Saraakiisha Ciidamada dalkaasi laga soo xigtay, gaar ahaan gobolka Waqooyi bari ee ay Soomaalidu degto.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari lagu xoojiyay degaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera iyo degaankaasi kuwaasi oo gaadiidka dagaalka iyo saanado ciidan oo dhameystiran.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ay heleen xog ku aadan in Al-Shabaab ay doonaayaan inay weeraraan gobolka iyo sidoo kale meelaha ay ka socoto diwaangalinta guud ee dalka Kenya.

“Ciidamo badan ayaan geynay degaano duleedka ka ah degmada Mandheera si looga hortago falal lidi ku ah ammaanka oo ka yimaada Al-Shabaab”. Ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Waqooyi Bari.

Dhinaca kale Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo marayay gobolka Waqooyi bari ayaa dhawaan ka badbaaday iskuday dil oo ay la damacsanaayeen Al-Shabaab sida ay sheegtay dowladda Kenya, inkasta oo dhaqdhaqaaqa ciidamadaasi saakay aanu wax saameyn ku yeelan isu socodka dadka, ganacsiga iyo gaadiidka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *