Ilhaan Cumar oo war culus ka soo saartay tacadiyada Dowladda Kenya u geysaneyso Soomaaliya

Ilhaan Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Congress-ka Mareykanka ayaa markii ugu horeysay war culus ka soo saartay tallaabooyinka ciidamada Dowladda Kenya ku beegsanayaan ilaha dhaqaalaha dalka Soomaaliya oo ay ka mid tahay burburinta xarumaha isgaarsiinta iyo faragelinta ay ka waddo gudaha dalka.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay ugu dambeyntii aanu wax saameyn ku yeelaneynin xiriirka u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ficillada ciidamada KDF-ta ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

“Waxaan ka codsanayaa Dowladda Soomaaliya inay Kenya ka aargudsato” ayay tiri Ilhan oo hoosta ka xariiqday in ciidamada Kenyaatigu muddo dhowr goor ah burburiyeen xarumaha shirkadda isgaarsiinta ku leedahay gobolada xuduuda la leh ee dhulka Soomaalida ka tirsan.

Ilhan Cumar oo asalkeedu Soomaali yahay, balse ka tirsan Congress-ka dalka Mareykanka ayaa hadalkeeda wuxuu ku soo beegmayaa xilli maalinimadii doraad ahayd ciidamada Kenya ay burburiyeen xarumo ay lahayd, iyagoo ku eedeynaya inay taageero ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh urur weynaha Al-Qaacida.

Dhinaca kale Wasiirka isgaarsiinta Dowladda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur ayaa isna maanta qoraal ka soo baxay wasaaradiisa waxaa lagu cambaareeyay falkaasi, isagoona sheegay in ciidamada Dowladda Kenya markii 12-aad ay burburinayaan xarumo ay leedahay shirka Hormuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *