QM oo sheegtay in la siyaasadeeyey Gurmadkii Muhaajiriinta

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu ku baaqay in Tallaabo degdeg ah laga qaado Gurmadka loo fidinayo Muhaajiriinta ku le’enayso Baddaha.

Qoraal uu Bartiisa Twitter-ka soo diray ayuu ku sheegay in la Siyaasadeeyey wax-u-qabashada Muhaajiriinta, wuxuuna walaac ka muujiyey dadkii Tahriibayaasha ee shalay ku haftay Xeebaha dalka Liibiya.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay 900 oo Muhaajiriin ah sannadkan ku hafteen Badda Mediterranean Sea, xilli ay Tahriibayaashaasi ku talamayeen inay safar baddeed ku gaaraan Xeebaha dalalka Europe.

Dhinaca kale, ilaa 65 qof ayaa la badbaadiyey, halka 15 ilaa 20 kale lagu la’ yahay Dooni Oogtii hore ee shalay ku degtay Xeebta Degmada Al-Khomos oo 75 mayl dhanka Bari kaga toosan Caasimada dalka Liibiya ee Tripoli.

Doonida degtay waxaa la sheegay inay la socdeen 90 Muhaajiriin ku sii jeeday Xeebaha Talyaaniga, sida uu sheegay Afhayeenka Ciiddanka Ilaalada Xeebaha Liibiya, Ayuub Qaasim.

Hawlgalka lagu baadi-goobayey Muhaajiriinta waxaa ka qeyb qaatay Doonida Ubari Boat oo ay Ilaalada Xeebaha dalkaasi leeyihiin iyo kuwa Kalluumeysatada Deegaanka Al-khomos, iyadoo 65 Muhaajiriin la soo badbaadiyey, lana soo helay maydadka 5 qof.

Warbaahinta Maxaliga ee dalkaasi waxay soo weriyeen in maydadka la soo helay kala ahaayeen: Hal nin oo Soomaali ah, nin u dhashay Suudaan iyo 2 haween iyo ilmo yar oo Reer Morooko ahaa.

Si kastaba ha ahaatee. Ilaaladda Xeebaha Liibiya waxay soo badbaadiyeen ama gacanta ku soo dhigeen 5,400 Muhaajiriin sannadkan oo keliya, kuwaasi oo badankooda ku xiran Xarumaha Muhaajiriinta sharci-darada lagu hayo ee dalkaasi.

WQ. Ustaad Nuradin 
Freelance Journalist,
Mogadishu, Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *