Wasiir Beyle oo shaaciyey in aysan DF ka hortagi karin dakhliga ay Al-Shabaab ka hesho Muqdisho

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa shaaciyey in xukuumadda federaalka aysan ka hortagi karin dakhliga ay Al-Shabaab ka hesho magaalada Muqdisho.

Beyle oo la hadlayey wargeyska caanka ah ee Washington Post ayaa qiray in dowladdu aysan laheyn awood ay ku joojiso dhaqaalaha faraha badan ee kooxda Al-Shabaab ka hesho gudaha Caasimada.

“Waa xaalad cabsi ah, ma heyno awood aan ku wajanho arrinaasi” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle), isagoo ku sugan dalka Japan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalyahannooda ay joogaan meel kast, iyaga oo isku ekeysiinaya shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhibaatada waa mid hal nooc ah Al-Shabaab waa Soomaali, sida aniga ama qof kale meel walba ayey joogaan, waana naga mid yihiin” ayuu hadalkiis sii raaciyey.

Hadalka Wasiir Beyle ayaa ku soo beegmaya xilli horay ay u soo baxeen warar sheegaya in Al-Shabaab malaayiin Doller sanadkii ka qaado ganacsatada Muqdisho, iyadoona canshuur ka qaada dekedda iyo ilo kale oo muhiim ah.

Sioo kale waxay lacago Zakawaat ah iyo Canshuur ka qaadaa ganastada oo tegay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Hadalka ka soo baxay wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka mid ah wasiirada ugu miisaanka culus xukuumadda Soomaaliya ayaa dhabar jab ku ah dowladda federaalka, sidoo kale wuuxuu niya-jab ku sii ridayaa ganasatada Soomaaliyeed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *