Madaxda Xisbiyada Siyaasadda iyo Gudiga Barlamaanka ee Dib u Eegista Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Oo Ku Kulmay Muqdisho

Madax Ka Socotey Qaar Kamid ah Axzaabta Siyaasadda Dalka Intooda Badan ayaa Maanta Kulan Waqti Dheer Qaatey La Yeeshey Gudiga Barlamaanka ee Dib U eegista Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Iyagoo Falaqeyn iyo Dood ka Yeeshay Dib u eegista Hindise Sharciyeedka Dhawaan Barlamaanku u Magacaabey Gudi Xildhibaano Ka Kooban 15 Xubnood.

Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Xubnihii Ka Socdey ayaa Gudiga Ka Hor Aqriyey Sida ay Wax Uga Soo Badaleen Uguna Soo Dareen Qaar Kamid ah Qodobada Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista ay Ku Sameeyeen Xisbiyada Siyaasadda Qaarkood,Iyadoo Xubnaha Gudigu aad ula Dhaceen Xisbiyadana Ku Amaaney Sida ay usoo Diyaariyeen Wax ka Badelidda iyo Ku Darista Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Xubnaha Labada Dhinac waxey isla Garteen In ay Lagama Maarmaan tahey In Laga Wada Shaqeeyo Danta Guud ee Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed iyadoon Cidina Teeda Eegin Hindise Sharciyeedkanina Noqdo Mid Qarniyaal Lagu Dhaqmo ee uusan Noqon Mid Waqtiga Dhaw La Adeegsado oo Kaliya,Waxeyna Qaar Kamida Madaxda Xisbiyada Gudiga La Hadley ay Tilmaameen In uu Jiro Shaki iyo Tuhumo Laga Qabo Sida Xukuumada Hadda Jirta aysan Daacad uga aheyn Doorasho Xalaal oo Qof iyo Cod ah In ay Dalka Ka Dhacdo,iyadoo Qaar Kalena Sheegeen In waqtigan ay Xukuumadu La Timaado Habka Doorasho ay Dalka ugu Tala Gashey in ay Ka Dhacdo Dalka,Dadka Soomaaliyeedna ay Wada Tashadaan Xukuumaduna Abuurto Tanaasul iyo Jawi Lagu wada Kadlo Dhinac Kastaba Sida Maamul Goboleedyada iyo Dawladda Dhexe.

Ugu Danbeyntii ayaa Labada Dhinac ayaa U Balamey Kulamo Kale oo Lagu Qaadaa Dhigo Dhameystirka Dib u Eegista Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Dalka Waxa uuna Kulanku Kusoo Dhamaadey Jawi Hagaagsan iyo Is afgarad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *