Qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho oo bilaabay barnaamijyo ku cusub mihnadda Saxaafadda

Qaar ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa bilaabay inay baahiyaan barnaamijyo ku cusub mihnadda Saxaafadda, isla markaana lagu dhiirigelinayo dawarsiga dadka ay heystaan duruufaha dhinaca nolosha iyo dhismaha masjidyo cusub.

Dadka dawarsada ee dhex wareega waddooyinka iyo goobaha ganacsiga ay iminka idaacadahani fursad u heleen inay xirfadooda ku horumariyaan, hase yeeshee waxa aad la yaabee marka qof rag ama haween ah ee bixiyay Nus Dollar loogu duceynayo kaddib markii weriyaha tebinaya barnaamijka u duceeyo sida oday 60-jir ah.

Idaacadahaan oo tiradoodu gaareyso ku dhowaad ilaa 10 warbaahin oo gaar loo leeyahay ayaa iyagu waqti badan ku bixiya barnaamijkaan cusub, iyadoo aan la ogeyn in dhaqaalaha laga helo ay qeyb ku leeyihiin idaacadda iyo in si toos ah loogu wareejiyo qofkii dhibanaha ahaa ee madaxiisa loo bixiyay sadaqada.

“Yaa bixinaya hal kiish oo Shamiindo ah, waa 7-Dollar kaliya waa sadaqo jaariya ah dhismaha masjidka” ayaa ka mid ah ereyada uu sheegayo inta badan weriyaha tebinaya barnaamijka, isagoo markaasina sii faahfaahinaya qalabka kale ee lagu dhisayo masaajidda oo isugu jira kuwo cusub iyo qaar la dayactirayo.

Sheekh Maxamuud Ow Cabdulle Cariif oo ka mid ah culimada ugu caansan Muqdisho iyo wadaaddo kale ayaa iyagu inta badan dadka ka dalbanaya inay ka qeyb qaataan dhismaha masaajidda si ay Alle agtiisa uga helaan liibaan adduun iyo mid aakhrio.

“Hantida aad leedahay marka aad geeriyooto lama oga inay caruurtaada qamri ku cabayaan oo meelo xunxun ku bixinayaan” ayuu yiri Sheekh Maxamuud Ow Cabdulle Cariif oo ka hadlayay masjid markaasi tabarucaad loo doonayo.

Arrimaha layaabka leh ee xadgudubka ku ah mihnadda saxaafadda waxaa ka mid ah in idaacadahaasi qaarkood ay dhextaal u soo qaataan codadka khudbadaha culimada ka jeedinayaan goobaha masaajidda ay ku yaalaan.

Idaacadda Shabelle oo ka mid ah warbaahinta gaarka loo leeyahay uguna faca weyn ee inta badan laga dhageysto mowjadda FM-ta oo hana qaaday wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii ee la riday xukuumaddii Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre isla markaana dhaqaale fara badan ka sameysa xayeysiinta shirkadaha, Isbitaallada, goobaha waxbarashada iyo ganacsiga noocyadiisa kala duwan.

“Aniga waxaan oran karaa in barnaamijkaan cusub ee idaacaduhu bilaabeen uu yahay mid dhiirin u noqonaya dadka tuugsada, waana arrin laga wanaagsan yahay sharaf dhacna ku ah sumcadda Soomaalida ” ayuu yiri Caaqil Xasan Ciid oo ka mid ah waxgaradka Muqdisho.

Caaqilka ayaa ku taliyay in idaacadaha daadihiya barnaamijkaan cusub ay ku bedelaan mid dadka ku dhiirigelinaya inay shaqeystaan, bartaan tacliinta diiniga ah iyo midda maadiga ah iyo mowduucyo kale oo ay uga maarmayaan gacan hoorsiga, isagoona tilmaamay in xukuumadii Kacaanka AU Maxamed Siyaad dadka noocaan ah ka ururin jirtay waddooyinka lagu ururin jiray xerooyin lagu daryeelayo.

“Waa nasiib darro kale dadkii noocaas ahaa in maanta idaacadaha Muqdisho fursad u siiyaan si ay dawarsigooda uga faa’iidaan” ayuu yiri Caaqil Xasan Ciid oo sidoo kale aan isleeyahay inuu baal marsan yahay anshaxa iyo sumcadda Saxaafadda.

Waxa uu sheegay inuu isagu in badan dhageystay barnaamijyada dawarsiga ee ay idaacadahaasi baahinayaan, isla markaana uu la yaabay habka loo tebiyo iyo hadallada layaabka leh ee dhex maraya weriyaha iyo qofka la soo xiriiro.

Magaalada Muqdisho oo ay ku yaalaan Masaajid fara badan walibana qaarkood isku jira wax ka yar masaafada uu sharcigu u ogol yahay ee ah ilaa 50-kii guri hal Masjid inuu ku yaalo, ayaa u muuqda in la hareer maray bacdamaa qaar ka mid ah masaajida Muqdisho uu u dhaxeeyo wax ka yar shan guri.

Yabooha dhaqaale ee masaajidda oo markiisii hore laga baahin jiray cod baahiyeyaal la dhigay hareeraha waddooyinka ayaa qofkii ka qeyb qaadanaya lacagta ugu diri jiray lambarka taleefanka ku yaala sanduuqa cod baahiyaha, hase yeeshee taasi ayaa meesha ka sii baxeysa kaddib markii la helay idaacado u huraya inta badan waqtiga ay hawada ku jiraan.

Muddo laba sano iyo ka badan ayaa arkee dhismeyaal masaajid oo qabyo ah kaddib markii uu hakad ku yimid dhaqaalaha ku baxaya, taasina ma aha mid sare u qaadeysa istiraatiijiyada lagu dhisayo Masjidka oo lagu tilmaamo inuu yahay guriga Alle SWT isla markaana ku wanaagsaneyn dadka Muslimka ah sumcadooda, waxaana leeyahay dhammaanba dhinacyada ku howlan arrimahaasi dib u eegaan ayna keenaan xal kale oo ka duwan mashruucaan Soomaalida Muslimka ah lagu beer jileecsanayo ee markoodii hore heysteen duruufaha adag ee dalka ka jira.

Waxaa Diyaariyay: Jabriil Maxamud Nuur (Jabra) saxafi37@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *