Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo ka digay khatar ku soo wajahan xisbiga Dimoqoraadiga

Brack Obama Madaxweynihii hore ee wadanka Mareykanka ayaa jeediyay khudbad aan caadi hayan oo uu uga digayo xisbiga Dimoqoraadiga iyo ololaha uu ugu jiro tartanka doorashooyinka dalkaasi ka dhacaya.

Waxa uu sheegay in dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ay kula loomayaan xisbiga talada dalkaasi haya ee Jamhuuriga aanu aheyn mid sax ah isla markaana ay luminayaan hannaankooda siyaasadeed ee u horseedaya inay guuleystaan.

Madaxweyne Brack Obama oo ka tirsan xisbiga Dimoqoraadiga ayaa hoosta ka xariiqay in siyaasiyiinta iyo xubnaha la tartamaya xisbiga kale ee Jamhuuriga ay la yimaadaan siyaasad degan oo lagu kasbanayo kalsoonida shacabka Mareykanka. Madaxweyne Obama oo khudbad ka jeedinayay magaalada Washington ayaa farriinta uu u diray xisbiga Dimoqoraadiga waxay ku soo beegmeysaa xilli xisbigaasi ka shaqeynayo sidii uu xilka uga qaadi lahaa Madaxweyne Donald Trump oo xisbiga Jamhuuriga ka tirsan, iyadoona lagu soo oogayo dembiyo kala duwan xilli muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay sanad kaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *