Waan waan lagu soo afjarayo khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Biixi iyo xisbiga Wadani oo Hargeysa ka bilaabatay

Waxaa saakay gebi ahaanba hakaday dibadbaxyo xisbiga Wadani ka bilaabay magaalada Hargeysa maalintii doraad aheyd isla markaana shalay ka bilowdeen qaar ka mid ah gobolada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay Muuse Biixi, kaddib markii xisbigaasi Wadani ka biyo diiday guddi ay dhowaan ansixiyeen golaha wakiilada Somaliland.

Xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa maamulka Somaliland iyo xisbiga wadani ayaa cirka isku shareertay kaddib markii xabsiga la dhigay xubno ka tirsan xisbiga Wadani, kuwaasi oo ka qeyb qaadanayay dibadbaxyo ka dhacay magaalada Hargeysa isla markaana uu xisbigu soo qabanqaabiyay xisbigaasi Wadani.

C/llaahi Jaamac Geeljire oo ah xoghayaha abaabulka xisbiga Wadani ayaa sheegay inay aqbaleen codsi uga yimid ergooyin is xilqaamay oo bilaabay inay dhexdhexaadiyaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiyada Wadan iyo Ucid, kuwaasi oo iyagu maanta kulan la yeelanaya madax ka tirsan maamulka Somaliland.

Ergada dhexdhexaadinta ka bilaabay magaalada Hargeysa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland iyo laba madaxweyne Ku xigeen, kuwaasi oo la filayo inay maanta la kulmaan Madaxweyne Muuse Biixi si loo soo afjaro khilaafka labada dhinac hareeyay.

Qodobadda ugu waaweyn ee guddiga dhexdhexaadinta kala hadlayaan Madaxweynaha Somaliland waxaa ka mid ah: ansixinta guddiga doorashooyinka iyo kala aragti duwanaanshaha hannaanka doorashooyinka ay uga dhacayaan Somaliland, doorka xisbiyada ay ku leeyihiin iyo arrimo kale.

Xafiiska Wararka Maanta Online Group
Hargeysa – Somaliland
admin@maantaonline.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *