Janaraal ka tirsan ciidamada Milateriga oo lagu dilay Muqdisho

Allaha u naxariistee Jan. Yuusuf Cali Qase (Yuusuf Cagey) meydkiisa ayaa saakay lagu aasayaa qabuuraha isbitaalka Xoogga, iyadoo munaasabadda lagu aasayo ay ka qeyb gelayaan madax, ehelada marxuumka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Milateriga ayaa ka dambeeyay dilka Janaraal Yuusuf Cagey xilli uu ku sugnaa meel u dhow xerada tolmada, kaasi oo isku dhiibay cutubyo ka tirsan milateriga Dowladda Soomaaliya ayaa lagu xiray xabsi ku yaala magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dilka Jan. Yuusuf Cali Qase uu yimid kaddib markii uu muran dhinaca dhulka la xariira uu soo kala dhex galay isaga iyo askariga dilay oo rasaas ooda uga qaaday Janaraalka halkaasina ku geeriyooday.

Allaha u naxariistee Jan. Yuusuf Cagey ayaa ka mid ahaa saraakiisha ciidamada milateriga Soomaaliya ee ka qeyb qaatay dagaalladii Al-Shabaab looga saaray degmooyin ka tirsan gobolada Shabeellooyinka iyo magaalada Muqdisho.

Inta badan askarta dilalka u geysta ciidamada dowladda iyo dadka rayidka ah waxaa dacwadahooda xukuma maxkamadda ciidamada qalabka sida, iyadoo horay askar dhowr ah loogu fuliyay xukunno uu ka mid yahay dil toogasho ah kaddib marka lagu helo caddeyn iyo marqaatiyo eedeymaha lagu soo oogay.

Xafiiska wararka Maanta Online
Muqdisho – Soomaaliya
admin@maantaonline.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *