Xisbi siyaasadeed war culus ka soo saaray khatarta ku dahaaran doorashooyinka dalka (Warsaxaafadeed)

Xisbi siyaasadeedka Nabadmacaan oo aan weli aqoonsiga ka heysan guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ayaa kulan uu soo qabanqaabiyay waxaa looga hadlay xaaladda uu dalka marayo, taasi oo u muuqata mid su’aalo fara badan ay ku wareegsan yihiin qaabka ay noqoneyso iyo qodobo kale oo muhiim u ah guud ahaan dalka Soomaaliya.

Afhayeenka xisbigaasi curdanka ah oo lagu magacaabo Cabdi Buurane Axmed ayaa sheegay in kulankaasi ujeedadiisu tahay Badbaado Qaran sidii loo heli lahaa, isla markaana si wadajir ah looga qeyb qaato in Soomaaliya ay cashar lama filaan ah u dhigto caalamka intiisa kale.

Waxa uu sheegay in siyaasiyiinta, aqoonyahanada, waxgaradka, dhallinyarada iyo dhammaanba ururrada bulshada door lixaad leh ka qaataan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho cod ah, isla markaana meesha looga saari lahaa caqabadaha uu ammaanka kor ka yahay iyo dalka sida goobaha uu ka taliyo ururka Al-Shabaab oo mustaxiil ka dhigaya in doorasho noocaasi ah ka dhacdo dalka.

“Xisbiga SPPS wuxuu taageerayaa dadaal kasta oo lagu wajahayo doorasho loo dhan yahay inay dalka ka dhacdo si looga baaqsado muddo kororsi ay sameyso xukuumadda cimrigeeda sii dhammaanayo” ayuu yiri afhayeen Cabdi Buurane.

Halkaan ka akhriso: Warsaxaafadeed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *