Iiraan oo qiratay inay soo riday diyaaradii hawadeeda ku burburtay

Dowladda Iiraan ayaa qiratay inay iyadu soo riday diyaarad dalkeeda ku burburtay dhowaan xilli ay mareysay meel ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Tehran, iyadoo qaraxday toban daqiiqo kaddib markii ay hawada gashay halkaasi ay ku geeriyoodeen ku dhowaad 200-ruux oo ahaa rakaabkii saarnaa diyaaradaasi.

Diyaarada oo lahayd shirkad laga leeyahay dalka Ukraine, ayaa rakaabka halkaasi ku geeriyooday waxay u badnaayeen muwaadiniinta dalkaasi, halka qaarkoodna ay ka soo kala jeedaan dalal ay Kanada ka mid tahay.

War ka soo baxay dowladda Iiraan ayaa lagu sheegay in diyaaradaasi si kama’a ah loo soo riday uuna ku dhacay gantaal lagu farsameeyay dalka Ruushka. Dhinaca kale xukuumadda Iiraan oo gacanta ku dhigay sanduuqa madow ee diyaarada qaraxday ayaa sheegtay inay wajaheyso dacwado la xariira falka lagu qarxiyay diyaaradda laga lahaa Ukraine gaar ahaan dowladaha ay muwaadiniintoodu ku geeriyoodeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *