Askar baxsad ka ah Axmed Madoobe oo dagaal la galay Milateriga DFS

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamo ka goostay maamul goboleedka Jubaland ee madaxweyne Axmed Madoobe dagaal la galeen fariisin ku yaala degaanka Janaay Cabdalla.

Dagaalka oo socday muddo dhowr saacadood ah qasaare kala duwan ka soo gaaray dhinacyadii dagaalamayay, waxayna wararka sheegayaan in ciidamada Jubaland ka mid ahaayeen ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe.

Wararku waxay intaasi raacinayaan in magaalada Kismaayo la geeyay qaar ka mid ah askarta ku dhaawacmay dagaalkaasi, iyadoo dagaalka uu yimid ciidamada Milateriga oo ka war herlay in 7-askari oo ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee Axmed Madoobe halkaasi u tageen inay isku dhiibaan ururka Al-Shabaab oo fariisin ku lahaa meel aan ka fogeyn degaanka Janaay Cabdalla.

Dhinaca kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubaland iyo saraakiisha ciidamada Dowladda oo ku saabsan dagaalka labada ciidan, mana aha markii ugu horeysay oo ururka Al-Shabaab ay isku dhiibaan ciidamo ka goostay maamulka Jubaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *