Home / Cartoons

Cartoons

Maamulka G/Banaadir iyo guryaha xooga lagu heysto

Maamulka gobolka Banaadir ayaa Muqdisho ka bilaabay howlgallo lagu burburinayo dhismeyaal ku yaala dhulalka danta guud, isla markaana dad xoog ku heysta guryo in ka badan labaatan sano ku wareejiyay dadkii lahaa. Howlgaladaasi waxaa si weyn u cambaareeyay kooxo taageeraya ...

Read More »

Magaca Al-Shabaab oo noqday Tuko cambaar leh

Horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa qaati ka taagan sidii ay masixi lahaayeen magaca ururka Al-Shabaab oo noqday magac cambaar leh oo qofkii lagu xiriiriyo cirka iyo dhulka la yaraanayo, meel ay gabbaad ka dhigatana weyneyso. Daawo Cartoons badan

Read More »

Baaritaanka caafimaad ee Madaxweyne Xasan

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa baaritaan caafimaad u tegay dalka Jarmalka, hase yeeshee dhaqtarkii ayaa u sheegay inuu caafimaad qabo, inkasta oo Madaxweynaha caafimaadkiisa uga shakiyay inuusan gaareynin sanadka 2016-ka inuu kursiga ku sii fadhinayo.   Halkaan ka daawo Cartoons badan

Read More »

Maxaa habeen loo magacaa Wasiirada?!!

Xukuumadihii dalka soo maray waxaa la magacaabi jiray maalin cad, hase yeeshee saddexdii Dowladood ee ugu dambeeyay waxaa la magacaabayay habeen saq dhexe, taasina waxay keentay in khilaaf xoogan soo kala dhex galo Ra’iisal Wasaaraha magacaabaya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ...

Read More »

Kooxda Madaxweyne Xasan oo ka shalleysay xukuumadda cusub

Xubnihii ugu firfircoonaa garabka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka shalleysay xukuumadda cusub, kaddib markii ay iska waayeen liiska Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid uu soo dhisay. Wasiirada cusub ee Golaha Wasiirada oo uusan la dhacsaneyn Madaxweyne Xasan ...

Read More »

Madaxweyne Xasan oo weli cadaadinaya R/Wasaare Cumar

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli cadaadinaya Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid, si uu Golaha Wasiirada ugu daro xubnaha dhinaciisa ugu muhiimsan, taasi oo sabab u ahayd inay dhacdo Dowladdii Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed uu ka xanaaqay Madaxweynaha markii uu ...

Read More »

Ra’iisal Wasaare Sharma’arke oo ku mashquulsan jaha wareer ka heysta magacaabista Golaha Wasiiradiisa

Ra’iisal Wasaare Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke ayaa waxaa soo food saaray jaha wareer siyaasadeed kii ugu weynaa ee uu la kulmo tan iyo markii labaad oo loo magacaabay Ra’iisal Wasaare, isagoona xafiiskiisa ay soo gaarayaan xubnaha kala duwan ee kooxda ...

Read More »

Ciidanka Soomaaliya oo AMISOM difaacay markii Al-Shabaab weerartay Xalane

Ciidamada nabad sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa difaacay ciidamada AMISOM oo noqday hal haaday iyo hal heybshay kaddib markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xerada Xalane oo ah taliskooda ugu weyn, waxaana telefishanada caalamiga ah laga sii daayay askari ...

Read More »

Ma dhab baa dhaarta Ra’iisal Wasaaraha cusub?!!

Inkasta oo sanadahaan dambe dhaarta madaxda Soomaalida aanay dhab ka ahayn, hadana dhaarta cusub ee Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid ayaa durba waxaa soo baxaya in lagu cadaadinayo rabitaanka Madaxweynaha iyo kooxdiisa inuu ka hor mariyo wax kasta.   Daawo Cartons ...

Read More »

Xaaladda Al-Shabaab ay ku sugan tahay maanta

Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa soo food saaray xaaladii ugu xumeyd abid, kaddib markii rag ka tirsan laga soo qabtay xarumo iyo guryo ay ku dhuumaaleysanayeen, taasi oo ay gacan ka geysteen dadka rayidka ah iyo ciidamada oo wada shaqeyn fiican ...

Read More »