Home / Social Media / Sports / FIBA oo Siminaar dhinaca garsoorayaasha kubadda koleyga ka furtey Muqdisho + Sawiro‏

FIBA oo Siminaar dhinaca garsoorayaasha kubadda koleyga ka furtey Muqdisho + Sawiro‏

Tababar lagu baranayo waxyaabihii  ugu danbeeyey ee kusoo kordhay garsoorka kubadda koleyga ee caalamka  ayaa waxaa uu ka furmey Hoolka xarunta cusub ee Gudigga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS,iyadoo ay kasoo qeybgaleen Madaxda Wasaaradda Sportiga gaar ahaan Wasiirka,Agaasimaha,Gudiga Olombikada,qaar katirsan madaxda Xiriirada iyo XSKK.

Seminaarka oo ay qaadanayeen ilaa 23 garsoore oo kubadda koleyga ee u diiwaan gashan XSKK ayaa waxaa ugu horeyntii warbixin kasoo jeediyey Xoghayaha XSKK Siciid Faarax Ducaalle oo u mahadceliyey Macalinka ka socda FIBA ee seminaarkaasi bixinaya,isagoo xusey in XSKK ay ku dadaalayaan inay heer gaarsiiyaan dhinacyada garsoorka iyo Tababarayaasha si looga faaideysto aqoonta horumarinta ciyaarta kubadda koleyfga ee dalka.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka XSKK Cali xasan cali ayaa ka warbixiyey xaaladda garsorayaasha Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga,isagoo soo hadal qaadey in markii Xiriirkooda la doortey ay gudaha ku qabteen seminaaro ay bixinayeen madaxda ugu sareeysa ee XSKK,laakiin muhiim ay tahay in waxyaabihii soo kordhey laga gacan siiyo taasi oo la filayo inay isbedel ku keeni karto awooda iyo aqoonta garsoorka.

Gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed tarabi ayaa halkaasi ka sheegay inay si weeyn farxad ugu tahay in Hoolka shirarka ee GOS eek u taala xarunta Cusub ee Olombikada Soomaaliya ay kusoo dhoweeyaan Macalinka ka socda IOC iyo FIBA isla markaana lagu furob tababarkii ugu horeeyey ee ay xiriirka Kolyga ku qabanayaan,isagoo xusey in GOS mar weliba ay dhiiri gelineyso horumarinta dhinacyada kala duwan ee ciyaaraha dalka.

“Waxaan si weeyn ugu mahadcelinayaa Macalin Lubamir iyo XSKK oo ku guuleystey inay keenaan dalka si loo hormariyo kubadda Koleyga dalkeena dhinaca garsoorka,inagoo rajeeyneyna in xiriirada kalena ay idinu deyan doonaan “ayuu kusoo xirey tarabi.

Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Sportiga Dr Khaalid Cumar Cali oo si rasmi ah u furey Seminaarka ayaa aad ugu mahadceliyey Macalin Lubamir sida geesinimada leh ee uu ugu soo dhiiraday inuu Soomaaliya gaar ahaan caasimadda uu soo gaaro,isagoo kor u qaadaya aqoonta garsoorka Kubadda koleyga.

“Dhamaan intii gacanta ka geystaey arintaan ayaan u mahadcelinayaa ha noqoto,XSKK,GOS iyo FIBA oo Macalinkaan soo direy waxaana sii wadi doonaan wasaarad ahaan dhiiri gelinta iyo horumarinta Ciyaaraha dalka”ayuu yiri.
1 sagal 1 sagal[1] 1 2 3 4 5 7 wasiir 10 tarabi 11 slovakian 12 13 15 16 17 18 20 21 22 23 24 25

About admin