Home / Wararka / Maxkamad ku taala dalka Itoobiya oo weriye Soomaali ah ku xukuntay 21-sano xabsi ah

Maxkamad ku taala dalka Itoobiya oo weriye Soomaali ah ku xukuntay 21-sano xabsi ah

ethiopian-court1

Maxkamadda sare ee ku taala magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya ayaa xukun ku riday Weriye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha), kaddib markii Maxkamaddu u cuskatay sharciga dalkaas ee ku saabsan argagixisanimada.

War cad oo ka soo baxay Ururka u dooda xuquuqda Suxufiyiinta caalamka ee IFJ ayaa looga dalbaday Dowladda Itoobiya inay dib uga laabato xukunka ay ku riday weriyaha Soomaaliga ah.

Ururka IFJ ayaa ku eedeeyay Dowladda Itoobiya inay jirdil xoogan u geysteen Weriye Maxamed Aweys Muudey mudadii uu xabsiga ku xirnaa, wuxuuna ururku sheegay inaan loo ogolaan Weriyaha qareeno u dooda.

Baaritaano hay’adaha sirdoonka Itoobiya ku sameeyeen kiiska Weriyaha Soomaaliga ah ayay sheegtay Maxkamadda in la helay caddeymo ku saabsan dembiga lagu soo oogay, isla markaana uu ka mid ahaa xubnihii abaabulay weerar qaraxyo lala damacsanaa magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya kuwaasi oo fashilmay.

About admin