Home / Social Media / Sports / Ka qayb galayaasha Koobka G.Daa’uud oo si cad u diidey in Horseed lagu daro Koobkaas

Ka qayb galayaasha Koobka G.Daa’uud oo si cad u diidey in Horseed lagu daro Koobkaas

Koxaha kubada cagta ee kaqayb gelaya koobka G.Daa.uud oo dhawaan kabilaawday Muqdisho ayaa diidey go aan kasoo baxay gudiga fulinta X. k. C.S kaas oo ku aadanaa in Kooxda Horseed ay kaqaybgasho koobkaas.

Shir ay isugu yimaadeen 12 kooxood oo sharciyan xaq u leh ineey ciyaaraan koobka kana dhacay Garoonka Banaadir ayaa lagu kala dareerey kadib markii ay si cad u diideen codsiga Gudoomiyaha Xiriirka cali Saciid Guuleed oo u ololeynayey in kooxaha laga dhigo 13 laguna soo daro Horseed maadaama ay hoos tagaan Ciidanka Xooga Dalka Somaliya qaybna uu ka ahaa Genaralka loogu magac daray koobkan.

Koobka G.Daa.ud waxaa sharciyan ciyaara 4 ta kooxood ee u saraysa heerka koowaad 4ta kooxood ee u saraysa heerka labaad iyo 4ta kooxood ee u saraysa heerka sadexaad Kooxda Horseed ayaase ku guul daraysatay ineey kamid noqdaan kooxaha sare sanadkii la soo dhaafay xaqna uma laha ineey kaqayb gasho koobkan balse dadaal uu wado taliyaha ciidanka milateriga ayaa uu ku doonayaa ineeysan Horseed ka baaqan koobkaan.

Dhawaan ayaa Xiriirku waxay shaaciyeen in koobka dalka lagu Ciyaari doono machadka Blasma oo bixin doona lacag dhan 15.000 oo Dolar balse arintaas waxaa kahor yimid Ciidanka Xoogga Dalka oo diidey in laga tago magaca halyeeygii loogu magacdaray koobkaan Genaral Da.ud Cabdule Xirsi waxaana Genanka u sareeya Ciidanka uu ku wargeliyey Xiriirka in wixii ay bixin lahaayeen Blasma ay iyagu bixinayaan balse waxaa uu shuruud uga dhigay in Kooxda Horseed Ciyaarto koobkan.

Kooxaha diidey in Horseed lagu daro koobkan waxaa kamida kooxda Banaadir Gaadiidka Jeenyo Safaana Muqdisho United D.B.G waxaana ka aamusey Kooxha Jamhuuriya FC Banaadir Dahabshiil Somali Frut waxaa ogolaaday Kooxaha Heegan iyo Elman.

Warar aan si hoose uga helnay kaqayb galayaasha shirkaan ayaa sheegaya in Xoghayaha Xiriirka Cabdi Qani Saciid oo hada kumaqan dalka dibadiisa uu cadaadis kusaarayey kooxha ineey diidaan go.aanka gudiga fulinta si loo ilaaliyo shuruucda u degsan Xiriirka halka Gudoomiye Cali saciid uu doonayey ineey ansixiyaan inlagu daro Horseed waxaana meesha kamuuqda qilaaf u dhaxeeya madaxda sar sare ee Xiriirka Kubada Cagta Somaliya.

Diidista kooxha ayaa kusoo beegmeysa xili lasameeyey isku aadka koobkan lana Ciyaaray Kulankii ugu Horeeyey waxaana Gudoomiye Cali Saciid wejigiisa laga dheehanayey sida uu uga xunyahay diidista kooxaha ee ku aadan in Horseed kamid noqoto kooxha Ciyaaraya Koobka G.Da.ud halka kooxihii diidey fikirkiisa ay sheegayaan ineey dhawrayaan sharciga.

WQ. Caydiid C/Raxmaan Aadan

About admin