Home / Social Media / Sports / Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya oo ka qeyb gelaya coyaaro ka dhacaya Toromso, Norway

Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya oo ka qeyb gelaya coyaaro ka dhacaya Toromso, Norway

DSC00077
Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu ka qeyb gelayo tartan ciyaareed ka dhacaya magaalada Toromso ee wadanka Norway, tartankaas oo uu qabanayo Xiriirka Chess Olympiad isla markaana ay ka qeyb gelayaan ciyaartooy ka kala socota dalalka caalamka.

Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya Axmed Xasan Cabdi (Wataac) ayaa sheegay inay casuumaad ka heleen Xiriirka Chess Olympiad oo tartan ciyaareed heer caalami ah ku qabanaya wadanka Norway magaaladiisa Toromso.

Waxa uu sheegay inay isku diyaarinayaan ka qeyb galka tartankaasi caalamiga ah, wuxuuna intaasi raaciyay in ciyaartoyda Soomaaliya uga qeyb galeysa ay ku soo xulayaan sida ay u kala sareeyaan, isla markaana la waafajinayo qaabka xulitaanka Xiriirka Shataranjiga Adduunka oo soo diraya darajooyinka ciyaartoyda ka qeyb gelaya tartankaasi.

“Tartanka caalamiga ah ee Chess-ka Adduunka waxaan rajeynayaa inaan ka soo hoyn doono guulo ay ku farxaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Guddoomiye Wataac oo sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo kaalimaha hore ee tartanka Chess-ka Adduunka.

Shaxda uu soo saaray Xiriirka Chess Olympiad halkaan hoose ka daawo:-

Tromso_Add._1_Travel_Fund_per_federation[1]

 

 

 

About admin