Home / Islam / Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho + Sawirro

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho + Sawirro

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii arxan darada ahaa ee habeenadii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu halaagay dhalinyaro Soomaaliyeed.

Bayaan ka soo baxay Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa lagu sheegay in qaraxyada lagu bartilmaameedsaday maqaayado laga qaxweeyo ay muujinayaan naf la caariga kooxda Shabaab.

“Waxaa si aad ah u cambaareyneynaa qaraxyadaas waxashnimo ee lagu gumaaday dhalinyaro Soomaaliyeed ee maqaayadaha ku fiidsanayay, waa weerar naf la caarinimo ah oo halkii ugu dambeeyay ay taagan tahay kooxda Shabaab”ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna.

Sidoo kale waxaa bayaanka lagu yiri in goobaha la bartilmaameedsaday ay ahaayeen goobo rayid ku sugnaayeen, taasna ay muujineyso sida kooxda Shabaab u caadeysatay inay shacabka gumaado.

“Kooxahaas damiir laaweyaasha waxay bilaabeen markii dagaalkii foolka foolka looga adkaatay inay shacabka xasuuqaan, maqaayadaha, suuqyada iyo goob walba, waa in meel looga soo wada jeestaa”ayaa lagu yiri bayaanka.

Ugu dambeyn Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa ugu baaqay shacabka inay meel uga soo wada jeestaan kooxaha nabad diidka ah ee dhibaateynaya shacabka, ciidamadana ay ku gacan siiyaan sugida amniga.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

About admin