Home / Islam / Qabanqaabada siyaaradii Sheekh Cali Cabdulle oo Muqdisho ka bilaabatay

Qabanqaabada siyaaradii Sheekh Cali Cabdulle oo Muqdisho ka bilaabatay

Mowlaca Sheekh Cali Cabduule ee ku yaala degmada Kaaraan waxaa ka socda qabanqaabada siyaaradii Sheekh Cali Cabdulle, iyadoo culumaa’udiin, mashaa’iq iyo dadweyne fara badan ay ku sii qulqulayaan xarunta mowlacaasi.

Boqolaal dadweyne oo wata gaadiid kala duwan iyo waliba xoolo ayaa ku soo qulqulaya xarunta Mowlaca Sheekh Cali Cabdulle, kuwaasi oo u diyaar garoobaya sidii ay uga qeyb geli lahaayeen bannaanbaxaiyo dhafarka siyaarada.

Sheekh Jire Sheekh Cali Cabdulle ayaa sheegay in maalinta Talaadada uu bilaabanayo bannaanbaxa, maalinta Arbacadana ay tahay Qur’aan akhriska, habeenka Khamiista ahna la soo gabagabeynayo.

Waxa uu sheegay in siyaarada Sheekh Cali Cabdulle ay isaga kala yimaadeen dalka gudihiisa iyo dibadiisa, waxaana sidoo kale ka soo qeyb gelaya xer fara badan iyo cilmi raacato uu Sheekh Cali Cabdulle soo baray diinta Islaamka.

Dhinaca kale Allaha u naxariistee Sheekh Cali Cabdulle ayaa ka mid ahaa mashaa’iqda caanka ah ee ku caan baxay fidinta diinta Islaamka iyo Qur’aanka oo uu dadka ku weyn jiray, waxaana xarumo diimeed uu ku leeyahay Muqdisho iyo gobolada dalka.

About admin