Home / Faallo / M. GHEDI: “Shacabka Soomaaliyeed oo aad uga xumaaday hadal dhowaan ka soo yeeray Nocholas Kay”‏

M. GHEDI: “Shacabka Soomaaliyeed oo aad uga xumaaday hadal dhowaan ka soo yeeray Nocholas Kay”‏

Xildhibaan-Geedi121

Iyadoo horeyba Shacabka Soomaaliyeed intiisa badan, uu shaki uga jiray madax-banaanida Soomaaliya, ayaa waxaa shakigii sii kordhiyay hadal dhowaan ka soo yeeray ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Shacabka Soomaaliyeed intiisa badan, wuxuu isku raacsan yahay in uu Nicholas Kay uu gudbey xadkiisii Diblomaasinimo, isla markaasna aanan la aqbali kareyn dhammaan hadalada dhowaan ka soo yeerey, gaar ahaan gefka uu u geystay sharafkii iyo sumcadii Xildhibaanada dalka oo metala shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ay micnaheedu tahay asagoo u gefey shacabka Soomaaliyeed oo laga qiyaaso 10 ilaa 12 milyan.

Nicholas Kay wuxuu ku sheegay xildhibaanada qaran kuwa codkooda lacag ku bedelanaaya, si ay mooshin u keenan, taas oo ah aflagaado ka baxsan xeerka Diblomaasiyadeed ee caalamka, ha yeeshee xad-gudubka diblomaasiyadeed ee uu sameeyay ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, waxay keeni kareysaa in uu shacabka Somaaliyeed uu meelaha ku gubo calanka Qaramada Midoobey “UN flag burn ??”.

Sidoo kale, waxaa jira warar isa soo taraaya oo sheegaaya in uu shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho uu qorsheynaayo banaan-bax weyn oo ka dhan ah xad-gudubka diblomaasiyadeed ee ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, inkastoo shacabka Muqdisho qaarkiis uu qabo in la sugo Baarlamaanka FS haddii uu talaabo ka qaadaayo xad-gudubkaas Nicholas Kay.

Shacabka Soomaaliyeed oo aad uga xumaaday hadalka dhowaan ka soo yeeray ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas kay, iyadoo shaki weyn gelin mabax-banaanida Soomaaliya, haddii aanan talaaba cad laga qaadin xad-gudubka diblomaasi ee uu sameeyey fidno-wade Nicholas Kay???.

Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Mogadisho, Soomaaliya.

About admin