Home / Faallo / M. GHEDI: “Dilalka iyo deganaansho la’aanta Muqdisho ma siyaasado dahsoon ayaa dambeysa?!!”

M. GHEDI: “Dilalka iyo deganaansho la’aanta Muqdisho ma siyaasado dahsoon ayaa dambeysa?!!”

MeControlXXLUserTile

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, oo tiradiisa lagu qiyaaso ku dhowaad seddex (3) milyan, kana wada kooban dhammaan beelaha Soomaaliyeed, inkastoo loo kala badan yahay, ayaa waxaa soo food-saaray qal-qal iyo nabad-gelyo la’aan, mar kasta ee uu baarlamaanka FS uu is-fowdeeyo.

Is-fowdeyntii ugu danbeysay, wuxuu baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed isku sameeyey taariikhdu markey aheyd November 11, 2014-ka, iyadoo isla maalintaasba, shacabka reer Muqdisho ay soo food saartay qalqal, nabadgelyo xumo, kadib markii saacado yar gudahood dhowr mas’uul lagu dilay, qaar kalena ay xag Rabbi ka badbaadeen, laakiin leysku dayey in la dilo.

Taariikhda kor ku xusan, waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay darawalkii Xildhibaan Prof. Mohamed Cumar Dalxa iyo sarkaal ka tirsanaa ilaalada xildhibaanka, balse nasiib wanaag xildhibaan Dalxa ayaa ka badbaaday wararkaas qorsheysan, ha yeeshee, nasiib darro isla maalintaas waxaa Aargada K- 4 lagu dilay, allaha u naxariistee taliya xiggeenkii xafiiska socdaalka iyo jinsiyadaha marxuum Maxamuud Cabdi ( Dhabarey), maalintii xigtay oo ay taariikhdu aheyd November 12, 2014-tiin, waxaa degmada wadajir lagu dilay mas’uul ka tirsannaa maamulka G/Banadir oo la oran jiray allaha unaxariistee Yusuf Hilal.

Waxaa xusid mudan, inuu shacabka reer Muqdisho intiisa badan uu aaminsan yahay, xildhibaanada inta badan baarlamaanka ka dhex sameeya buuq iyo fowdo bareer ah, inay ka soo jeedaan deeganada sameystay maamul goballeed oo aysan Muqdisho ka joogin maati, sida waayeel, carruur, dad xannuunsan iyo dadka loo yaqaan nugul, sidaas awgeed ayay Muqdisho u qasaayaan si ay u fuliyaan siyaasado dahsoon oo laga hagaayo meelo fog-fog.

Dilalka iyo deganaasho la’aanta Muqdisho, ma siyaasado dahsoon ayaa ka danbeeya, mise shacabka reer muqdisho ayaa u qaatay??.

Mohamoud Ghedi AW Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Mogadisho, Soomaliya.

About admin