Home / Islam / Sheekh Maxamed Idiris: “Qodobo muhiim ah ayaa ka soo baxay shirka Turkiga ee xagjirnimada looga hadlay”

Sheekh Maxamed Idiris: “Qodobo muhiim ah ayaa ka soo baxay shirka Turkiga ee xagjirnimada looga hadlay”

idiris

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kana qeyb galay shir looga hadlayay xagjirnimada laguna soo gabagabeeyay magaalada Ankara ee wadanka Turkiga, ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobada looga hadlay iyo go’aanadii ka soo baxay.

Waxa uu sheegay Sheekh Maxamed in shirka oo ay ka qeyb galeen, culimada Soomaaliyeed, qurbajoogta, aqoonyahanka iyo qeybaha bulshada Soomaalida ay goaa’nsadeen in xagjirnimada looga hortegi karo howlo fara badan oo ku saabsan sidii dhallinyarada ku biireysa kooxaha Shabaab iyo ISIS loo sameeyo xirfado ay ku shaqeysan karaan.

“Shirka Turkiga ee xagjirnimada looga hadlaayay waxaa ka soo baxay go’aanno dhowr ah oo xal noqon kara” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris oo khudbad ka jeedinayay xiritaanka shirka ka dhacay Turkiga.

Dhinaca kale go’aanada ka soo baxay shirka waxaa kale oo ka mid ah in Soomaalida ay is cafiso isla markaana hal meel uga soo wada jeesato koox kasta oo cadow ku ah danaheeda.

“Shirka Turkiga lagu soo gabagabeeyay waxaa ka soo baxay baaq muhiim u ah dhallinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris oo sheegay dowlad iyo shacabka inay u midoobaan sidii dalka looga cirib tiri lahaa fikirka xagjirnimada oo galaaftay nolosha dhallinyaro fara badan oo mustaqbalka dalka ahaa.

About admin