Home / Islam / ADNA AADAN: “ Koonfurta Soomaaliya ma ahan dad jira oo Nabad Raba, Waxaan leeyahay Beesha Caalamka yaysan lugaha Noo qaban”

ADNA AADAN: “ Koonfurta Soomaaliya ma ahan dad jira oo Nabad Raba, Waxaan leeyahay Beesha Caalamka yaysan lugaha Noo qaban”

adna3

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Adna Aadan Ismaaciil oo dhawaantaan ka hadashay kulan ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Beljimka oo ay beesha caalamka kaga codsaneyso in lagu aqoonsado Soomaaliland ayaa waxay ku dheeraatay in Soomaaliland ay tahay meel nabad ah oo ayna ka jirto dimoqraadiyad sax ah islamarkaana ay tahay inay beesha caalamku ay aqoonsato gooni isu taaga Soomaaliland,

Intaas ka dib ayey haweeneydaas waxay usha la dhacday dadka Soomaaliyeed oo dhan iyadoona ku sheegtay inay Soomaaliya tahay wadan fashilmay iyo guri argagaxiso iyo mid Burcad Badeed iyo dagaal oogayaal islamarkaana aysan Soomaaliland la midoobeyn dad ku sifoobay noocaas, Waa kuma caqliga Saliimka ah ee rabo inuu la midoobo Alshabaab, ama Burcad Badeed ama dagaal Oogayaal ma jirto mana dhacayso arintaas ayey si caro ku jirto ay u tiri haweeneydaas.
“Laakiin arinta la yaabka leh ayaa waxay ahayd inay haweeneydaas ay ku canaanatey beesha caalamka inay waqti iyo Kharash badan ay ku bixiyeen inay Soomaaliya ay dowlad ka dhalato laakiinse ay ku guuldareysteen, in ka badan 18 jeer ayaad u sameyseen dowlado kala duwan oo aad magacyo ugu yeerteen, 28 Dowladood ka badan ayaa xeebta Muqdisho ka degay si aad nabada ugu soo celisaan Soomaaliya laakiin waad ku guuldareysateen oo way shaqeyn weysay arintaas ogolaada guuldaradiina” ayey tiri haweeneydaas, iyadoona sababta ay arintaas u shaqeyn weysay masuuliyadeeda dusha uga tuurtey dadka Soomaaliyeed oo ay ku sheegatay inaysan diyaar u ahayn oo aysan rabin nabada.

Haweeneydaas ayaa sidoo kale u sheegtay beesha caalamka inay lacag Bilyanis oo doolar oo canshuurta dadkooda ah ay ku qasaariyaan dal aan wax rajo ah ka soo socon iyadoona sheegatay inay wanaagsan tahay inay la shaqeeyaan oo ay aqoonsadaan Somaliland oo ay tiri waa mid ka ifafaalo wanaagsan dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina iyadoo hadalada haweeneydaas ay meel ka dhac iyo niyad jab ay ku yihiin dadka Soomaaliyeed ee waqtiga dheer dadaalka ugu jirey inay mar kale arkaan Soomaaliya oo lugaheeda isku taagtey ayaa waxay haweeneydaan sidoo kale ay ku “Beerlaxawsatey beesha caalamka inay jiraan boqolaal kun oo dhalinyaro reer Soomaaliland ah oo rajeynaayey inay arkaan aqoonsi Soomaliland laakiinse aysan wali dhicin arintaas iyadoona dhalinyaradaas loogu baaqayo inay ku biiraan argagaxisada iyo burcadbadeeda Soomaaliya hadaan deg deg loo aqoonsan ay dhici karto arintaas ah inay ku biiraan kooxahaas” ayey tiri haweeneydaas oo ku tilmaantey arintaas hadey dhacdo mid u xun aduunka oo dhan.

Gabdho Soomaaliyeed oo Muqdisho, gobolo ka tirsan Soomaaliya & qurbaha ku dhaqan ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey hadalo ka soo yeeray Adna Aadan Ismaaciil oo ka mid ah dadka u ololeeya gooni isu-taaga maamulka Somaliland oo shir lagu qabtay Biljamka oo ay ka jeedisay hadalo gef & meel ka dhac ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshadda ku dhaqan gobolada Koofurta Soomaaliyeed.

Gabadhan oo soo noqotay marwadda R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa ummadda Soomaaliyeed ku tilmaantay in ay kulligood yihiin argagixiso, Burcad badeed, hogaamiye kooxeed & wax aan u qalmin in sida bini’aadamkii loola dhaqmo, waxaana hadalada ka soo yeeray si weyn uga carooday gabdho Soomaaliyeed oo qoraalo ay na soo gaarsiiyeen aan ka soo qaadanay qeybo yar.

Drs. Siciido Cabdi Cali oo ka mid aheyd dadkii naqdiyey hadaladda Adna, ee farriinta na soo gaarsiiyey ayaa sheegtay in maamulka ay sameysteen Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya markii laga diiday in ay gooni ka noqdaan Soomaaliya in ay u soo jeesteen aflagaadeynta & dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed, waxeyna hadalada Adna ku tilmaantay kuwa mudan in lagu qoro diiwaanka taariikhda Soomaaliya. Waxaan ku soo Gabagabenaya qoraalkeyga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ammaantii uu ammaanay Adna Aadan Ismaaciil ma istaahishay mise….? waxaan arrintaan u deynayaa jawaabteeda Akhristayaasha

W/D Cabdicasiis Xasan Maxamed

About admin