Home / Wararka / Dacwad ooge kiis Al-Shabaab hayay oo Kampala lagu toogtay

Dacwad ooge kiis Al-Shabaab hayay oo Kampala lagu toogtay

Joan-Kigezi

Haweeney qareen ah una dhalatay dalka Uganda oo lagu magacaabo Joan Kagezi ayaa lagu toogtay bartamaha magaalada Kampala xilli ay ku sii jeeday gurigeeda oo aan ka fogeyn halka lagu dilay.

Booliska Dowladda Uganda afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Patrick Onyango ayaa warbaahinta u sheegay in haweeneyda qareenka ah ay toogteen rag mootooyin saarnaa halkaasina ay ku geeriyootay.

“Rag mootooyin saarnaa ayaa haweeneyda dhowr xabadood ku dhuftay” ayuu yiri afhayeenka Booliska Uganda oo intaasi raaciyay in haweeneydaasi oo markii hore loo qaaday dhaawac ahaan naftu ka baxday intii aan la gaarsiin isbitaalka.

Haweeneydaan lagu dilay magaalada Kampala ayaa iyadu gacanta ku heysay gal dacwadeed ku saabsan rag ka tirsan ururka Al-Shabaab oo sanadkii 2010-ka gudaha dalkaasi ku dilay dad tiradoodu gaareyso 76-ruux oo ahaa dad rayid ah.

About admin