Home / Wararka / Kooxo hubeysan oo xalay magaalada Baydhaba ku dilay Nabadoon caan ah iyo xaaskiisa

Kooxo hubeysan oo xalay magaalada Baydhaba ku dilay Nabadoon caan ah iyo xaaskiisa

Magaalada Baydhaba ee gobolka Bay waxaa xalay lagu dilay Nabadoon caan ah iyo xaaskiisa, kaddib markii gurigiisa u dhaceen kooxo hubeysan, kuwaasi oo rasaas aan loo aaba yeelin ku furay Nabadoonka oo la jooga xaaskiisa.

Guddoomiye K/Xigeenka magaalada Baydhaba Mustaf Ibraahim ayaa saxaafadda u sheegay in xalay kooxo hubeysan ay gurigiisa ku dileen Nabadoon lagu magacaabi jiray Nabadoon Cali Cabdi Iidow.

Guddoomiye K/Xigeen Mustaf ayaa intaasi raaciyay in weerarkaasi xalay ka dhacay Baydhaba lagu dilay Nabadoonka iyo xaaskiisa, isagoona sheegay in magaalada Baydhaba ay ka socdaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay falkaasi.

“Dilka Nabadoonka iyo xaaskiisa waxaa ka dambeeya kooxaha argagixisada Shabaab oo maalmahaanba dilalka ka waday goboladaan” ayuu yiri Mustaf Ibraahim oo intaasi raaciyay in gacanta lagu soo dhigayo kooxihii ku lugta lahaa dilka Nabadoon Cali Cabdi Iidow.

Dhinaca kale ma aha markii ugu horeysay oo magaalada Baydhaba ay ka dhacaan dilalka culimada iyo waxgaradka, iyadoo falkaani ku soo beegmayo xilli dhowaan bartamaha magaaladaasi uu ka dhacay weerar maalin ay soo qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay xarunta maamulka K/Galbeed.

About admin