Home / Social Media / Sports / Arsenal oo guul taariikhi ah ka gaartay ciyaartii ay la yeelatay Liverpool + Sawirro

Arsenal oo guul taariikhi ah ka gaartay ciyaartii ay la yeelatay Liverpool + Sawirro

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul raaxo leh ka gaartay ciyaar ka tirsan horyaalka Premier League, waxaana ay uga adkaatay 4-1, iyadoo gashay kaalinta labaad ee horyaalka Ingiriiska.

Gunners ayaa saddex gool wada dhaliysay qeybtii hore, waxaana goolka hore u dhaliyey, 37 daqiiqo Hector Bellerin, iyadoo uu goolka labaad oo Bulusyoon qurux badan uu raacsaday Mesut Ozil 40’ daqiiqo, iyadoo goolka saddexaad ee Gunners oo qeybtii hore ku soo xiray 45 daqiiqo Alexis Sanchez, markii laad xooggan uu shabaqa meel sare ka galiyey, sidaas ayaana lagu kala nastay qeybtii hore Arsenal oo 3-0 ku hoggaaminaysa ciyaarta, markii 8 daqiiqo gudahooda saddex gool looga dhaliyey.

Qeybtii labaad markii dib la isugu soo laabtay kooxda martida ahayd ee Liverpool ayaa iska soo celisay hal gool, kaasoo ahaa rigoore lagu abaal-mariyey waxaana u dhaliyey Jordan Henderson.

Liverpool ayaa waxaa markaas kaddib kaarka cas ka qaatay 49′ daqiiqo Emre Can, waxaana goolka afaraad ugu shubay Reds Olivier Giroud, sidaas ayaana looga adkaaday kooxda Liverpool 4-1.

Arsenal ayaa soo gashay kaalinta labaad ee Premier League, iyadoo leh 63 dhibcood, maadaama Man City ay berri ciyaarayso.

1 2 3 4 5 7 8 9 10 11 12 13 14 Reds

About admin