Home / Social Media / Sports / Ciyaartooydda Goboladda /Hiiraan & Sh/Dhexe ee ka Qeybgalaya Ciyaaraha G/Dalka oo Xalay loo sameeyay Casuumaad + Sawirro

Ciyaartooydda Goboladda /Hiiraan & Sh/Dhexe ee ka Qeybgalaya Ciyaaraha G/Dalka oo Xalay loo sameeyay Casuumaad + Sawirro

Kadib markii ay u soo baxeen Ciyaartoyda G/Hiiraan iyo Sh/dhexe Ciyaraha  Semifinalka ayaa waxaa Habiinkii xalay ahaa Magaaladda Muqdisho loogu sameeyay Kooxahaasi ka qeeyb galaayaTartanka  Ciyaraha Goboladda Dalka Casuumaad Casho sharaf ah ka Gadaal markii ay Shalay Galab Ciyaartii ka dhacay Garoonka Goonis Stadium Muqdisho oo ay iska horyimaadeen Kooxaddii ka socotay Maamul Goboledyka Galmudug iyo Ciyaartooydda Goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe kuna guuleysteen 1 & O.

Casuumaadaan ayaa waxaa u sameeyay Ciyaartoydda Agaasimaha Waaxdda Cashuuraha Beriga ee wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md Muxudiin maxamed Jurus muhudiin saambeey , iyadoo ay ka qeeyb galeen Gudoomiyayaasha hogaamineysay labadda kooxood eek u ciyaaraayay Goboladda Hiiraan iyo shabeelaha dhexe, macaliinmiinta iyo tababarayaasha Ciyaartodda iyo kooxaha kala duwan kaa ka socday labadaasi Gobol.

Munaasabadaan oo aheeyd mid si wanaagsan u dhacday ayaa waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nosoj maxamed Ibraahim Macalimuu oo sheegay in ay munasabadaan Casuumaadda ay tahay mid lagu soo dhaweynaayo kaalinta wanaagsan iyo guusha ay soo hooyeen ciyaartodda ku ciyaareysay magaca Goboladda Hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo uu xusay in ay u soo gudbeen Tartanka Semifinalka

Agaasimaha waaxdda cashuuraha Beriga ee Wasaaradda Maaliyadda Md Muxudiin Jurus oo isna ka hadlay ayaa sheegay in uu siweeyn u soo dhaweynaayo Guusha lamafilanka aheeyd ee ay soo hooyeen Ciyaartoydda Goboladda Hiiraan iyo shabeelaha dhexe waxaana uu xusay in ciyaartoydda ay lama huraan tahay in la dhiirigeliyo si muraalkooda korloogu qaado, waxaana uu halkaasi ku gudoonsiiyay macalinka hogaaminayay Ciyaartoydaasi abaalmarin Lacageeyd oo dhan 1000. Doolar , isagoo sidoo kalana sheegay in haddii ay ciyaarttaan tan xegta hadii ay guuleystaan uu ku abaalmarindoono lacag dhan 2000. Kun oo doolar.waxaana uu kula dardaarmay in ay dadaalkooda sii labalabaan inta uu socddo tartanka ciyaaraha goboladda dalka.

Munasabadaasi waxaa isna sidaas oo kale ka hadlay Gudoomiyaha degmadda Raage ceele Yuusuf Xaaji maxamuud isagoo ku hadlayay magaca labadda gudoomiyr ee Goboladda Hiiraan iyo shabeelaha dhexe, waxaana uu sheegay in ciyaartoydda labadda Gonbol hadii ay ku guuleeystaan hanashaddaKoobka Tartanka Ciyaraha Goboladda Dalka ay ka maamul ahaan u balan qaadaayaan in ay mugdisho diyaarad kaga qaadidoonaan ayna dalxiis ahaan u geeydnoonaan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aanu nahay walalaha si ay halkaasi ugu soo nastaan muddo, isla markaasna ay masuuliyiinta lana gobol ay ciyaartoyda gudoonsiindoonaan abaalmarino kala duywan oo kporloogu qaadaayo muraalka ciyaartoydda.

Ciyaartooydda Goboladda Hiiraan iyo  Shabelaha dhexe  ee ka qeeybqaadanaaya Tartarka Ciyaaraha Goboladda dalka ee haatan sida habsamidda leh uga soconaya Magaaladda Mugdisho  ayaa ku soo baxay Tartarka ugu dambeeya ee Semifinalka

Ciyaartoydda ka soo socda Xulka Goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa noqday Ciyaartoydda  ugu dhibcaha badan iyadoo ay leeyihin 6 Dhibcood ciyrtii ugu dambeysay ee ay la ciyaareen ciyaartoydda galmudug oo ay ugu itaalsheegteen 1 iyo O ,taas oo shalay galab ka dhacday garoonka ciyaraha ee staium Goonis, taas oo aheeyd mid aad iyo aad u xiisa badaneyd.

Ciyaartoydii ka socotay maamul goboleedka Galmudug oo hore guuldaro ka soo gaartay kulankoodii Jubaland ayaa soo bandhigay ciyaar aad u heer sareysa iyagoo doonayay in ay ka badiyaan kooxda Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe oo iyagu ka soo badiyay maamul goboleedka Jubaland.

Xulka gobolka Sh/dhexe ayaa labadii kulan ee uu ciyaaray wada badiyay waxana uu sidaas ku yeeshay 6,dhibcood kadib markii ay ka badiyeen xulalka Jubaland iyo Galmudug oo ay isku guruubka ahaayeen.

Xulka Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa la ciyaari doono kulanka Semi finalka ah xulka maamul Goboleedka Puntland.Iyadoo sidoo kalena ay wada ciyaari doonaan xulka ciyaartoydda Gobolka Banaadir iyo Jubbaland.

Tartankan ayaa magaaladda muqdisho si rasmi ah uga furmay 14kii bishaan kaas oo uu furay madaxweynaha jamhuuriyadda federalka soomaaliya Xasan Shiikh maxamuud waxaana la filaayaa in si rasmi ah loo soo gabagabeeyo lagu wadaa in uu 25ka bishan 2016ka oo ku beegan maalinta Isniinta ah ee soo socota waana Tartankaan uu yahay tartankii ugu xiisaha iyo Xamaasada badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho 26kii Sanno ee la soo dhaafay.

DSC00070 DSC00073 DSC00078 DSC00079 DSC00080 DSC00082 DSC00088 DSC00094 DSC00099 DSC00108

About admin