Home / Social Media / Marwa Sahra oo baaq u jeedisay caalamka, farriin gaar ahna u dirtay Soomaalida (Video)

Marwa Sahra oo baaq u jeedisay caalamka, farriin gaar ahna u dirtay Soomaalida (Video)

Marwada koowaad ee Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Sahra Cumar Xasan ayaa ka hadashay xaaladda wadanka oo ay sheegtay inuu ka daalay dagaallo sokeeye iyo burbur, sidaasi daraadeedna ay tahay inaan loo kala harin gurmadka lagu samatabixinayo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Mama Sahra oo maalintii shalay booqatay xarunta agoonta ee ku taala degmada CabdiCasiis isla markaana ay gacan ka geysatay asaaskeeda ayaa khudbad kooban oo ay ka jeedisay halkaasi waxay ugu baaqday beesha caalamka inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyo samafalka dadka u nugul duruufaha dhinaca nolosha.

“Dowladeena iyo dowladaha adduunka waxaan ugu baaqayaa umadaan dagaalada ka daashay” ayay tiri Mama Sahra Cumar Xasan oo sheegtay in caruurtaan qaarkood ay dagaalada ku waayeen oo sheegtay in dowlad iyo shacab looga baahan taakuleynta dadka dhibaateysan.

Dhinaca kale waxaa halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay qaar ka mid ah caruurta agoonta ah ee lagu daryeelo xaruntaasi, kuwaasi oo qaarkood sheegay isbedelka ku yimid noloshooda tan iyo markii xeeradaasi la geeyay.

About admin