Home / Social Media / Sports / Ciyaartoy ka tirsan Shataranjiga Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartan ka dhacaya dalka Azerbaijan

Ciyaartoy ka tirsan Shataranjiga Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartan ka dhacaya dalka Azerbaijan

Magaalada Baku ee wadanka Azerbaijan waxaa bisha Septembar ee sanadkaan ka dhacaya ciyaaraha caalamiga ah Shataranjiga Adduunka, kaasi oo ay ka soo qeyb gelayaan ciyaartoyda Xiriirada Chess-ka 190-dal, waxaana dalalkaasi ka mid ah Soomaaliya.

Ciyaarahaan caalamiga ah oo bilaabanaya 11-ka bisha Septembar ayaa Soomaaliya waxaa ku matalaya ilaa shan ciyaartooy uu soo xulay Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya isla markaana maalmahaan isku diyaarinayay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Shataranjiga Axmed Cabdi Xasan (Wataac) oo hoggaaminayay wafdiga ciyaartoyda ayaa faahfaahin ka bixiyay ka qeyb galka ciyaaraha caalamiga ah ee Chess-ka.

“Soomaaliya guul ayay ka rajeyneysaa ciyaaraha Shataranjiga ee ka dhacaya dalka” ayuu yiri Guddoomiye Wataac oo sheegay in Soomaaliya ay guulo taariikhi ah ka soo hoyneyso tartanka Caalamiga ah ee Shataranjiga 42-aad.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga ayaa sheegay inuu magaalada Baku kulamo kula yeelanayo madaxda iyo wufuuda ka socota ururrada Shataranjiga kala duwan ee caalamka, isagoona tilmaamay inay ka wadahadlayaan sidii xiriirka Soomaaliya looga taageeri lahaa horumarinta Shataranjiga.

About admin