Home / Social Media / Audio / Wasiir Odowaa: “Shaqadaan aad hadda heysaan waxay soconeysaa ilaa sanadka 2020-ka”

Wasiir Odowaa: “Shaqadaan aad hadda heysaan waxay soconeysaa ilaa sanadka 2020-ka”

Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda xilligeedu sii dhacayo ee Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa waxa uu ka jeediyay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay halkaasi oo lagu soo qatimay kulamo dowladaha hoose uga hadlayeen arrimahooda.

C/raxmaan Odowaa ayaa sheegay in qorshahani uu yahay mid soconaya ilaa iyo sanadka 2020-ka oo markaasi kaddibna dalka uu gelayo doorasho qof iyo cod ah.

“Shaqadaan aad hadda heysaan waxay soconeysaa ilaa sanadka 2020-ka” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka oo si gaar ah ula hadlayay dhigiisa maamul goboleedyada dalka ka jira.

Waxa uu sheegay in Wasiirada arrimaha gudaha looga baahan yahay inay door muuqda ka ciyaaraan taaba gelinta howlaha kala duwan ee dowladaha Hoose, isagoo sheegay in laga soo dhisayo min degmo ilaa iyo tuulo.

Halkaan ka dhageyso khudbadda Wasiirka oo dhameystiran

About admin