Home / Social Media / Audio / Haweenka Muqdisho ku shiray oo walaac ka muujiyay heshiiska madasha “2016-ka waa sanadkii isbedelka” (Dhageyso)

Haweenka Muqdisho ku shiray oo walaac ka muujiyay heshiiska madasha “2016-ka waa sanadkii isbedelka” (Dhageyso)

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen ururrada u dooda arrimaha haweenka, waxaana kulankaasi oo soo qabanqaabisay Wasaaradda looga hadlay qaar ka mid ah qodobada ka khuseeya iyo qoondada ay ku leeyihiin doorashooyinka dadban ee dalka ka dhacaya.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa halkaasi ka jeedisay khudbad ku saabsan halganka ay u soo galeen sidii haweenka ay ku heli lahaayeen 30% golayaasha kala duwan, waxayna u mahad celisay hoggaamiyeyaasha shirka madasha oo ay ka xustay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sahra2016

Sahra Maxamed Cali Samatar – Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul insaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya

“Ma aha wax ciyaar ciyaar ah waxaa nalaga rabaa dhaqan gelinteeda” ayay tiri Wasiirada Haweenka oo sheegtay in sanadka 2016-ka uu noqdo sanadkii isbedelka.

Sidoo kale Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuula Axmed Gaballe oo ka hadleysay munaasabadaasi ayaa hambalyo u dirtay madasha madasha Qaranka, waxayna xustay inay soo dhoweyneyso qoondada 30% ee haweenka laga siiyay aqalka sare iyo kan hoose.
“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo madaxda madasha kalsonida ay ku saxiixeen qoondada haweenka ee ah 30%” ayay tiri Batuula Axmed Gaballe.

Sidoo kale halkaasi ka hadlay haween kale oo kulankaasi ka qeyb qaatay, kuwaasi oo sheegay inaysan ka hari doonin ilaa iyo inta ay ka xaqiijinayaan dhaqan galka qodobada haweenka khuseeya.

About admin