Home / Social Media / SUXUFI HANTAY KALSOONIDA BULSHADIISA

SUXUFI HANTAY KALSOONIDA BULSHADIISA

Si kasta oo ay ahaataba waxaan ka fursan waayey in aan Qoro Maqaallkaan waayo waa waajib  saaran in qof kasta oo Bulshadiisa waxau qabtey  la muuiyo, Tan kale waxay Tani Daliil u tahay oo ay  Muujineysaa hadii aan nahay Suxufiyiin in aan nahay dad wax isku Quura.

Shaqooyinka adduunka la qabto tan ugu cajaa’ibta badan waxaa sameeya suxufiyiinta caalamka,  shar iyo kheyr haddba waxii dunida ka dhaca ayay si cilmiyeysan u baahiyaan, goob walba oo shir,  barnaamij  ama wax  ay ka dhacaan ayay si deg deg ah u tagaan, ma jiro adeeg ummaddeed oo socon kara bilaa suxufi.

Xaqiiqdii sida raashinka oo kale ayaa loogu baahi qabaa shaqooyinka ay qabtaan bahda  loogu yeero saxafiyiinta, waa badweyn aan marnba laga xiisa dhaceynin hawlaha  ay xirfadleydaasi  sameeyaan, dhabtii waa lagu kala fiican yahay qabashada shaqo maalmeedka caadiga ah,  aqoon, waaya aragnimo, dhabar adeyg iyo wax qabad shaqsiyadeed ayaa la isku dhaafey, shaki kuma jiryo hawl walba oo dhexda loo xerto in guul  laga soo hoyn karo.

Toddobaadkii hore intii u dhaxeysey 13-19-kii August  2016-ka waxaa Magaalada Muqdishu ka qabsoomey laba {2} dhacdo oo taariikhi ah, horaantii  toddobaadkaasi waxaa G/Banaadir lagu qabtey Shirweynihii Caalamiga ahaa ee Qurbajoogta Soomaalida “Global Somali Diaspora” {GSD}, halka 17-19-kii  lagu guuleystey qabsoomidda Carwadii Buugaagta ee Mugadishu Book Fair, dad badan oo xiiseynayay ka qeyb galka dhacdooyinkaasi ayaa fursad u waayey, baahidii ay dadkaasi  qabeen waxaa ka haqab tirey suxufi si xilkasnimo ah isu xil saarey oo ku dadaaley sidii loola socon lahaa  haddba halka ay marayeen barnaamijyadaasi.

Inkastoo saxafiyiin kala duwan ay warinayeen hawlahaasi ayaa haddana waxaa kaalinta  1-aad loo qirey inuu ku guuleystey saxafiga la yiraahdo Cabdi-naasir  Xersi  Iidle, daqiiqad kasta wuxuu akhristayaashiisa, dhageystayaashiisa iyo daawadayaashiisa uu siinayay hadba halka ay arimuhu marayaan, sawiro, codad, iyo qoraalo ka tarjumaya dhacdooyinkaasi ayaa mar walba laga helayay waaya joogaasi hore.

Maalinimadii Sabtiga illaa iyo Isniintii hore wuxuu war-baahiyahaasi u dhabar adeygey soo gudbinta Shirweynihii Qurba joogta, in ka badan Boqol (100) sawir iyo faah- faahintooda ayuu la wadaagey asaxaabtiisa ku kala firisan dacalaada adduunka, maalin kadib  markii uu idlaadey Shirweynahaasi  wuxuu suxufigaan u qalab qaatey sidii uu saaxiibadiisa ula socodsiin  lahaa hanaan socodkii Carwada Buugaagta Muqdishu, sawiro iyo qoraalo aan xad laheyn ayuu ka sameeyey Carwadaasi, Bulsho aad u fara badan ayuu ku najaxey inuu ku soo xiro Carwadaasi, amaan iyo bogaadin ayuu ku muteystey sida hagar la’aanta ah ee uu uga shaqeeyey Shirweynihii Qurba joogta iyo Carwadii ka dambeysey.

“Waan ku faraxsan ahay hawlihii aan ka qabtey Shirweynhii  Hotel Jaziira ee Qurba joogta iyo Carwadii City Palace,  aniga ayaa jecleystey  qabashada adeegyadaasi, qof ahaana  waxaaan u arkayay inay qeyb ka yihiin soo bandhigida horumarka Caasimadda Magaaladeyda ee Muqdishu” ayuu yiri Cabdi Naasir Iidle oo intaasi raaciyay inay ka go’an tahay sidii uu mar walba u soo bandhigi lahaa wax kasta oo kor u soo qaadi kara sumcadda, sharafta iyo wanaaga Muqdishu.

Dabcan… suxufigaasi shaqo aad u culus ayuu qabtey, waa madaale aan nasan subax iyo galab muddo toddobaad ah, suxufi kasta kama soo dhalaali karo shaqo ceynkaasi oo kale ah hase yeeshee Cabdi Naasir waxaa arintaan u suuragaliyay garashadiisa, khibraddiisa, jeclaanta xirfadiisa iyo masuuliyadda uu isa saarey.

”Bilad iyo abaal marin ayuu istaahilaa in la gudoonsiiyo ninkii sida sharafta laheyd inoola socodsiiyay  dhacdooyinkii waa-weynaa ee Muqdishu” ayuu yiri  aqoonyahan Soomaaliyeed oo laasimey la socoshada sawiradii iyo qoraaladii uu baahinayay Iidle Gaas.

Waa guul lagu faani karo oo u soo hoyatey saxaafadda Gayigeena  in saaxiib ka tirsan bahda Warabaahinta Soomaaliyeed inuu  hanto kalsoonida shacbigiisa ee ku kala sugan gudaha iyo dibadda Wadanka, hambalyo  ayay in badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed u hibeeyeen suxufigaasi,  runtii talaabada uu qaadey ruug cadaagaasi waa mid  lagu dayan karo waxayna tusaale fiican u tahay jaalkiisa kale ee  xirfadda saxaafadda ay ku mataaneysan   yihiin.

NB: Waxqabadka Iidle ma aha midaan intaan ku soo Koobi karo, waxaa uu Waxqabadkiisa soo tixnaa muddo aad u fog.

44 223  14009960_1058398247540996_1275307686_n 14017583_10154547230493729_1790277964_n 14017790_1058398234207664_889788567_n  14095754_10207267695554749_1808597379635499038_n IIDLE GAAS

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Tel  00252615532494

About admin