Home / Wararka / Digniin laga soo saarey Hotelada Baariyow One iyo Baariyow Two

Digniin laga soo saarey Hotelada Baariyow One iyo Baariyow Two

“Markii aan Warbaahinta ku baahiyey Dukumentiyadii ku saabsanaa Hoteladda Baariyow One Baariyow Two  kuwaa oo ka Marqaati kacaya Lahaanshaha Hoteladaas  ayaa waxaa dhacay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud uu Xeer Ilaalinta ku amrey in Kiiskaas la xiro” sidaa waxaa yiri Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyow oo sheegey in uusan ka Daali doonin soo Bandhigista  Dukumntiyadaas.

Dhinaca kale   Cabduqaadir Maxamed Aadan (Baariyow) waxaa uu digniin u direy Shirkadaha iyo  shaqsiyaadka ku ganacsada Hoteladaa in ay  ogaadaan in Hoteladaas ay yihiin hanti Ma Guurto ah oo aan leeyahay  Waqti aan fogeyn ay gacanteyda ku soo wareegi doonaan waayo waa hanti ay ogyihiin Ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan  in aan leeyahay.

“ Hoteeladaas mid waa Shan Dabaq oo waxaa degen Shirkadda Hormuud  ee Bakaaro sidoo kale kan kale waa Afar Dabaq waxaa iyana degen Shikado waxaa uu ku yaalaa Jid Mareexaan  sidaa darteed waxaa u soo jeedinayaa Shirkdahaas in ay Hotel;daas si Xaqdaro ah ugu jiraan  islamarkaana Xoolaha ay ka faaiidayaan ay yihiin Xoolo Xaaraan “ ayuu yiri  Cabduqaaidr Maxamed  Aadan (Baariyow) oo sheegey in Hoteeladaas uusan weligiiu ka hari doonin ilaa  dib loogu soo celiyo.

“Hoteladaas  waxaa xoog lagu haystey muddo 25-tii Sano ee la soo dhaafay ma garan karo sabab loo sii haysto Hoteladaas oo  ay ogyihiin Bulshadda Soomaaliyeed Cidda iska leh” ayuu yiri Cabduqaadir Baariyow oo sheegey in Dacwada Guryahaas ay soo socotey muddo Hal Sano iyo bar waxayna ka dhaqaaqi weydey Xeer Ilaalinta Qaranka si ay ugu gudubto Maxkamadha shaqada ku leh” waxaa uu intaa sii raaciyey.

“Cidii iibsata ee lacagteeda iska gelisa wixii ku yimaada iyadaa ka masuul ah  sidoo kale Hoteladaas wax isbedel ah laguma sameyn karo Xitaa lagama bedelo karo Hal  Albaab, Cidddii sameysana qayb ayey ka noqon doonaan Dacwada  haatan ka taagan Hotelkadsaas oo aan u haysto Marqaatiyaal fara badan” waxaa uu intaa ku sii darey Cabduqaadir Maxamed Aaadan Baariyow.

“Waraaqihii rasmiga ahaa ee Milkiyadda Hoteladaas anigaa heysta waxaan mudo dheer Sugayey  inta dalku ay ka dhalato dowlad rasmi ah,  sidaa dartyeed waxaa la joogaa  waqtigii hore loogu dhaqaajin lahaa Dacwadaas  waxaana rajeyayaa in aan dhawaan  ku laabto dalka, wixii intaa ka horeeyana  Dacwada waxaa sii wadaya Qareenadeyda aan ku  Kalsoonahay sidaa darteed aniga iyo shaqsiyaadkaas xoogga ku heysta Hoteladaas  Sharciga ayaan ku kala baxeynaa ”.

Ugu Dambeyn Cabduqaadir Baariyow ayaa sidoo kale uga digey Madaxtooyada, Hayadaha kale iyo Shaqasiyaad hortaagan in Dacwadaas la qaado isagoo sheegey  in Hoteeladas ay yihiin kuwa  ummadda Soomaaliyeed ay ogyihiin in aan leeyahay, waxaana Sannadkii 1992-1993  Wargeysyadii Xiligaas soo bixi jirey lagu qorey Digniin ku aadan inaan Guyahaas la iibsan karin lana kireysan karin, Digniintaan waa middi labaad ee aan ku baahiyo Warbaahinta si ay u ogaadaan dadka maanta ku ganacsanaya.

baariyow Baariyow One Hotel-Baariyow-0102-740x353

Wixii Faahhaain kala xiriir

Cabdiqaadir Maxamed Aadan Baariyow

Tel  004745565593

Tel 004746344912

About admin