Home / Social Media / Audio / IGAD oo hadal lama filaan ah ka sheegtay shirka Jowhar (Dhageyso)

IGAD oo hadal lama filaan ah ka sheegtay shirka Jowhar (Dhageyso)

Waxaa maanta dib u dhac ku yimid shirkii maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ee la filayay inuu maanta ka furmo magaalada Jowhar, inkasta oo ay jiraan diyaar garow xoogan oo loogu jiro sidii dib loogu furi lahaa.

Ambassador Maxamed Cabdi Afey wakiilka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo u waramayay BBC-da ayaa sharaxaad ka bixiyay dadaallada ay ugu jiraan furitaanka shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Waxa uu sheegay in muddo dhowr goor ah ay tageen gobolka Hiiraan, isagoona sheegay inay ka wadahadleen sidii maamul loogu sameyn lahaa, isagoona ka codsaday in odayaasha aanay caqabad ku noqon wadahadalada labada gobol.

“Odayaasha Hiiraan waa inaysan caqabad ku noqon wadahadalka oo ah midka kaliya ee horumar lagu gaarsiin karo” ayuu yiri Maxamed Cabdi Afey oo beeniyay in IGAD ay faragelin ku heyso arrimaha gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

About admin