Home / Social Media / Sports / Soomaaliya oo guul ka soo hoysay tartanka caalamiga ah ee ka socda dalka Azerbaijan

Soomaaliya oo guul ka soo hoysay tartanka caalamiga ah ee ka socda dalka Azerbaijan

Xulka Ciyaartoyda ka socota Xiriirka Soomaaliyeed ee Shataranjiga ayaa guul taariikhi ah waxa uu ka soo hooyay tartanka 42-aad ee Chess-ka caalamiga ah oo ka socda magaalada Baku ee wadanka Azerbaijan, kaddib markii ay ka badiyeen ciyaatoy ka socotay ilaa iyo shan dal.

Tartankaan oo bilowday 2-dii bishaan ayaa waxay la ciyaareen dalalka Ecuador,Libiya, Malawi, Bermuda, Palau iyo Kyrgyztan, iyadoo ciyaartoyda Soomaaliya ay heleen laba dhibcood iyo bar sideed ciyaartoy oo iska soo horjeeda.

Waxaa kale oo dhiman tartamo kale oo ciyaartoyda Soomaaliya la ciyaareyso kooxo kale maalinta berri ah, anagoo idiin soo gudbin doona hadba natiijada ay ku dhammaato.

Dhinaca kale ciyaartoyda ka socota xiriirka Shataranjiga Soomaaliya ayaa muujiyay ciyaar wanaag sida uu sheegay Guddoomiyaha xiriirka Axmed Xasan Cabdi Wataac oo qadka isgaarsiinta noogu sheegay, wuxuuna rajo ka muujiyay in tartamada dhiman ay guulo kale ka soo hoynayaan.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada ciyaartoyda Soomaaliya iyo xulalka kale ee ka socda dalalkii ay la ciyaareen:

pairing

About admin