Home / Social Media / Culture / Cismaan Ibraahim: “U dulqaadanmeyno cadaalad darrada iyo sed bursiga soo jireenka ah ee Suldaanka beesha Jiido”

Cismaan Ibraahim: “U dulqaadanmeyno cadaalad darrada iyo sed bursiga soo jireenka ah ee Suldaanka beesha Jiido”

Kulankaan oo ay isgu yimaadeen Xubnahaasi ayaa waxaa ka Hadley Nabadoon Cismaan Ibraahim  Xaaji Cabdow, waxaa uu sheegey in ay Cabasho weyn ay ka qabaan qaabka uu  wax u wado Suldaanka Beesha Warsame Ibraahim Caliyow oo ku aadan Xulista aqalka sare iyo midka Hoose.

Kulan ay isugu yimaadeen Waxagadka, Salaadiinta , Nabadoonada, Culimaudiinka, Haweenka iyo Dhalinyadda Beesha Jiido ayaa waxaa looga hadley arrimaha la Xiriira Qaabka Xulista Baarlamaanka Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose oo dhawaan la filayao in uu ka bilowdo Magaaladda Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed.

“Suldaanka waa inuu u Cadaalad u Falaa Beesha uu Suldaanka uu u yahay sidaa darteed marnaba u dulqaadanmeyno Sed Bursi Soo jireenka ah oo uu beesha ka dhex wado ” Sidaa waxaa yiri Nabdoon Cismaan Ibraahim Xaaji oo intaa sii raacieyey.

“Waxaan bulshadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in Jifo ay wada qaataan Dhamaan Xilalkii Dowlada waxaana nala wadaagtaan Sadbursigaas oo ah  aqalka Sare uu la rabo Samsam Ibraahim Caliyow oo ay dhashey Saalim  Caliyow Walaashiis, Aqalka hoosana uu rabo Saaliim Caliyow, Ururka Haweenka Qaranka Xubin Sitey Xuseen Caliyow  , Wasaaradda Garsoorka yo Cadaaladda  Xasan Xuseen Caliyow, Xoghayaha Gudiga Doorashada  Koonfur Galbeed  Sayid Cali Ibraahim (X Caliyow) Suldaankana waa iyaga” waxaa uu intaa ku siidarey.

“Hadaba waxaan Bulshadda Soomaaliyeed , Urur Gaboleedka IGAD, Qaramada Midoonbey, Ururka Midowga Afrika , Madaxweynaha Koonfur  Galbeed iyo Guddiga Doorashada Dadban in ay wax ka qabtaan Cabashadeen ku aadan in hal Jufo ay wada qaateen dhamaan Xilalkii ay Beesha ay lahayd , hadii aan wa laga qaban  Cabashadeen in Beesha Jiido ay qaadan doontoo’aan adag oo ka dhan ah Suldaanka.

Gabagagabadii  waxaa halkaa ku soo gabagabeynaynaa Halku dhig ay leedahay Beesha Jiido oo ku  qoranka afka Jiidada “Siif Me Ilaahey umey, Safar Wajes iyo Afaafkisi Uniyow wili Aatanan, Aqla Aatanayuu, Hee Hiir Aaliyow, aduunyo Arbahee akhiro ma Hasaawsataa.

About admin