Home / Social Media / Mashruuc lagu Daahfuraayay sida loo Maalgelin karo Ganacsiga Soomaaliyeed oo maanta lagu Qabtay Muqdisho + Sawirro

Mashruuc lagu Daahfuraayay sida loo Maalgelin karo Ganacsiga Soomaaliyeed oo maanta lagu Qabtay Muqdisho + Sawirro

Mashruucaan oo ay daahfurkiisa ka Qeeyb galeen Wasiirka Ganacsiga Dawladda Soomaliya Eng C/Rashiid Maxamed Axmed, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaga guud & Guryeeynta Marwo Nadiifo Maxamed Cusmaan, Nadiifo Daahir Cusmaan oo ka socotay Rugta gacasiga dalka, Xubno ka socday Qeybaha kala duwan ee Bulshadda,sida Jaamacadaha, Shirkadaha yar yar, Iskaashatooyinka, xawaladaha dalka, Dugsiyadda Aasaasiga ah ee dalka Ganacsatadda yar yare ee Ragga iyo Haweenka, iskaashatooyinka Beeraha, Xoolaha iyo kaluumeysiga iyo Mashariicdda yar yare e ka jirea dalka.

Mashruucaan lagu maalgelinaayo Shaqana loogu abuuraayo islamarkaasna kor loogu qadaayo Ganacsiga yar yar iyo kuwa waaweeyn ayaa waxaa uu socondoonaa sanadja 2016 ilaa 2018ka,waxaana maalgelinaya Bankiga aduunka, iyadoo ay helgelintiisana si wada jir ah u fulinaayaan Hay,adaha kala ah Hay’adda DAI iyo SMEF oo hawlahoodu ay kala yihiin Hergelinta iyo meelmarinta mashruucaan iyo Tababarsiinta iyo  kor u qaadidda aqoonta dadka loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan mashruucaan lagu maalgelinaayo ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana loo qoondeeyay in ay ku baxddo lacag dhan $ US 5, malyan iyo Bar Doolar iyadoo wadarta guudna ay tahay S 10 ilaa 11 Malyan oo doolar, waxaana laga kala fulinayaa Soomaalilad, Buntland iyo Kuunfurta Soomaliya.

Mashruucaan oo ah wejigii labaad oo nuuciisa ah waxaa dalka Soomaliya laga bilaabay Sanadku markuu ahaa 2013, waxaana loogu talagalay in dib loogu dhiso Ganacsiga Soomaaliyeed si ay bulshadda Soomaaliyeed dib uga soo kabtaan burburkii soo gaaray qeybaha Ganacsi ee dalka Soomaliya.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dawladda Soomaliya oo manta mashruucaan daahfuray ayaa waxaa uu ka hadlay muhiiimadda balaaran ee uu u leeyahay kor u Qaadidda Ganacsiga dalka , waxaana uu sheegay in dawlaadu ay mudnaanta koowaad siineyso sidii Bulshadda Soomaaliyeed looga kaalmeyn lahaa in ay dib u soo nooleeyaan Ganacsigii iyo adegyadii bulshadda Qeeybaheedda kala duwan, waxaana uu si aad ah u soo dhaweeyay Mashruucaan oo uu xusay in uu yahay mid shacbiga soomaliyeed loogu adeegaayo dawladdana ay gtacan ka geysandoonto si uu u Noqddo mid waxbadan ku soo kordhiya Ganacvsiga guud ee dalka.

Wasiirka ganacsiga  ENG Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sidoo kale xusay in Dhaqaalaha dalka Soomaliya uu  aas aas u yahay Wax soo saarka Beeraha Xoolaha Kaluumeysiga  haddii intaasi loo helo maalgashi uu kor u kacaayo dhaqaalaha Soomaaliya waxaana uu mashruucaan ku tilmaamay mid kaalin mug leh kaga jiro gacasiga Dalka soomaliya , isagoo ugu baaqay ganacsatadda Soomalaiyeed in ay si habsami leh uga faa’iideystaan mudadda labadda Sanno ah ee loogu talagalay mashruucaan.

Kulankaan ayaa intii uu socday waxaay xubnihii ka qeeybgalay  isku dhaafsadeen Fikraddo iyo Talooyin ku aadanaa sida loo meelmarin karo ganacsatadana gacan looga siinkarro maalgelinta ay u baahan yihiin iyagoo sheegay in  loo baahan yahay sidii qeeybaha kala duwan ee ganacsiga daraasad dheer loogu sameynlahaa si loo helo mashruuc tifatiran ee lagu kaalmeynkarro ganacsatadda ku hawlan adeegga bulshadda.

Gabagabadii kulankaan looga hadlayay mashruuca lagu maalgelinaayo ganacsatadda Soomaliyeed ayaa waxaa soo afjartay Wasiirkii hore ee Wasaaradda hawlaha guud Marwo Nadiifo Maxamed Osmaan iyadoo sheegtay in mashruucaan uu yahay mid wax weeyn ku soo kordhindoono ganacsatadda soomaliyeed sidaas awgeeydna loo baahan yahay in si habsami leh looga faa,iideysto iyadoo u mahadcelisay hay,adihii ka soo shaqeeyay hegelinta mashruucaan.

dsc00006 dsc00013 dsc00014 dsc00015 dsc00016 dsc00020 dsc00024 dsc00025 dsc00028

About admin