Home / Social Media / Sports / Qalab Isboorti oo lagu Wareejiyey Kooxo ka Dhisan Deegaanka CAMAARA

Qalab Isboorti oo lagu Wareejiyey Kooxo ka Dhisan Deegaanka CAMAARA

Cayaaraha waxay ka mid yihiin kuwa Bulshada ku dhex abuura isdhexgal, waxayna si gaar ah faraxad iyo reyn reyn geliyaan Dhalinyada sidaa darteed deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug waxaa ka dhiso Koox Isboorti waxaana mar waliba ka dhaca Tartamo Isboorti oo ay u soo daawasho tagaan dad fara badan.

Sidaa darteed Dhawaan deegaankaas waxaa gaarey Xubno ka tirsan Jaaliyada UK oo uu Hogaaminayey Axmed Nuur Maxamuud Barkhadle, waxayna Kooxaha ka dhisan halkaas ku Wareejiyeen qalab isboorti oo ay ugu talagaleen Dhalinyarad sida uu idiin kaga muuqada Sawirada.

Axmed Nuur Maxamuud Barkhadle mar aan ka wareysayney Xaalada Deegaanka camaara gaar ahaan Dhinaca Cayaaraha waxaa uu yiri “ Sidaan fileyney waaba ka sareeyaan waxaa ka jira Kooxo Dhalinyaro ah oo u abaabulan sida Kooxaha Dalka ka jira kuwaa oo mar waliba Deegaanka Camaara ku qabta Tartamo Isboorti “ waxaa uu intaa sii raaciyey Mudane Barkhadle.

“Kooxaha ka dhisan Deegaanka Camaara waxaan ku wareeejiney qalab Isboorti oo jaaliyada UK ee Deegaanka ka soo jeeda ugu talagaleen in lagu Hormariyo Cayaaraha kala duwan si dhalinyarada loogu dhiirageliyo Dhinaca Isboortiga, waxaana balan qaadeynaa in aan mar waliba aan ka qayb qaadano Tartamada Cayaaraha Degmada Camaara “.

Cabdicasiis Maxamed Xasan (Dhagaweyne) oo ku hadleyey Magaca Jaaliyada Bariga Afrika oo goob joog u ahaa wareejinta qalabka isboortiga ayaa si weyn u soo dhaweyey Qalabkaas Isboorti ee la siiyey isagoo Hoosta ka Xariiqey in Jaaliayadooda ee Bariga Afrika iyana ay ka qayb qaadan doonaan Horumarinta Isboortiga ee Deegaanka Camaara’.

Xilldhibaan Xasan Cabdulaahi Cascaseey oo ka tirsan Xildhibaanada Galmudug, Muna Maxamed Diirshe oo ku Hadleysey Magaca Ururdada Bulshada Rayidka iyo Guddoomiyaha Degmada Caamara Shiikh Yuusuf Salaad Maxamed ayaa Mahadceliyey Jaaliyada UK sida ay Dhalinyarada ugu Dhiiregelinayaan Dhinaca Cayaaraha ,waxayna u soo jeediyey Jaaliyadaha kale in ay ku deydaan Jaaliyadda UK eek a soo jeeda Deegaanka Camaara.
dsc00372 dsc00382 dsc00396 dsc00407

W/D Amin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

About admin