Home / Social Media / Culture / Sooyaalkii Axmad Xaayoow 1958-2016 (Gabayadii Siinleyda)

Sooyaalkii Axmad Xaayoow 1958-2016 (Gabayadii Siinleyda)

axmed-xaayow

Axmad Mocoow Xaayoow “Dulmidiid” Eebbe ha unaxariistee wuxuu ku dhashay degmada Waaberi, ee magaalada Muqdisho, gobolka Banaadir, bishii March 12/1958. Dugsiga hoose wuxuu uga soo baxay Xamar Jajab, Dugsiga dhexana Raage Ugaas, sanad dugsiyeedki 1979/80 ayuu dugsiga uga baxay Macallin Jaamac. Wuxuu March 15. 1986 ka qalinjebiyay kulliyadda waxbarashada “Lafoole”, kuna takhasusay XISAABAAD/FISIKIS.

Ka dib burburkii dalka ka dhacay, wuxuu ahaa dadkii dalka ka baxay, ee ugu horreeyey. Wuxuu muddo ku noolaa waddanka Yeman, ka dibna xilligii fufka wuxuu u dalaabay dalka dibaddiisa. Laga soo billaabo 1997-2016 wuxuu ku noolaa waddanka Mareykanka, gaar ahaa gobolka Minneapolis, magaalada Minnesota.

Waxa uu ahaa nin jecel qoridda buugaagta iyo inay ummadda Soomaaliyeed yeelato dhallinyaro badan oo wax qora, si ay dhaxal wanaagsan uga tagaan ummaddooda.

Wuxuu ahaa macallin aaminsan waxa adduunyada kale nooga hormartay, inay tahay dhigaalka qoran, oo looga tegay, wuxuuna jeclaa, inuu inta badan wax ka qoro arrimaha bulshada, si firba firka ka dambeeyo ay u ogaadaan dhallinyaradii ka horreeysay iyo sida ay u noolaayeen.

Axmed wuxuu kale oo ahaa suugaanyahan ku xeeldheer  hal abuurka  maansada oo dhan sida curinta; gabayga, guurowga, shiribka, masafada, geeraarka, saarka, jiiftada iyo heesta.
Axmad wuxuu ka qaybgalay silsiladdo suugaaneed  badan sida:

·      Silsiladda “Diiwaanka nabadda iyo Deeleyda Qarniga” (Silsilad Maanseed)
·      Silsiladdii Sallaamaley (Silsilad Gabayeed)
·      Silsiladii Ismaandhaaf (Silsilad Gabayeed)
·      Silsiladdii Tirriig (Silsilad Saareed)
·      Silsiladdi Dhallinyariyo waayeel (Silsilad Maanseed)
·      Silsiladdii Dhalanrog ( Silsilad Geeraareed)
·      Silsiladdii Beled iyo Baaddiye (Silsilad Gabayeed)
·      Silsiladdii Dabargoynta Qabyaaladda(Silsilad Gabayeed)
·      Silsiladdii Midnimo ( Silsilad Maanseed)

Silsiladahan iyo kuwa kaleba waa uu ka qaybgalay, wuxuu ahaa nin aad u jecel dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, wax la taaban karana ka qabtey. Axmed Xaayoow waxaan ku xasuustaa, inuu ambaqaaday, oo isagu hindisay, habdhac cusub, oo gabayga uu ku soo kordhiyey, isagoo sameeyey gabayo uu ugu magac dhabay “LABA HIGGAADLEY” Gabaygan ayaa inta kale ka la mid ah gabayada  caadiga ah, balse, halkii gabayga xaraf raaciisu ahaa xaraf qudhaata, wuxuu isagu  keenay, inuu laba xaraf tuduc walba si siman u wadaajiyo, isagoo habdhac, hannaan iyo halbeeg aan midna dhaawac u geeysan. Tuusaale:

·      Hadday qaafiyad  dhinneyn, Qodob dhigaalkeeda.
·      Deel qaafna aan laga dhex helin, Dha’ iyo Qaafkeeda.
·      Qa’da xarafka laba dhacaya uun, Dheeri lagu qaatay.
·      Dhadhankana macaan qiima badan, Dhug iyo maan qaada.
·      Dhegtii maqasha ay quud ka dhigan, Dhuuxa qabarkiisa.
·      Qasdiga loo dhigaayana tahay, Dhaxalka qiimeeya.
·      Dhib qofkaan u soo marin murtida, Dhuuni qabateysan.
·      Quruumihi na dhaafiyo raggii, Dhihidda qaabeeyay.
·      Dhallinyaro qurqurisaa jirtoo, Qaladka dhaafeyne.
·      Qaylada inaan dhegensannaa, Qaayo dhiciddeeda .
·      Iyo inaan qaddarinnaa dhismaha, Dhiisha qaradeeda.
·      Dhankaan qaadaneynaan rabaa, Qalin dhigaal keena.

Gabaygan ayaa ku dhisan, sida ka muuqata xaraf raaca (DH iyo Q) oo si is ku dheellitiran isugu jaangooyey.  Alle ha naxariistee, abwaanka ayaa  ahaa nin  goor walba uu kansho leeyahay iyo fakaag is ku taxallujiya tayeynta iyo kor u qaadidda  afka; qoraal iyo dhigaal,  dhihid iyo dhadhanba.

Tixdan kale, waxay ka mid tahay hannaankaa cusub, ee laba higgaadley ku  dhisan waxayna leedahay:

·      Tii aan calmado tira haween, Tobanka caynoodba.
·      Cishadaan tallaameen darteed, Taaha celin waayo.
·      Ee uu tawaawaca cishqigu, Cirib ku sii tiixo.
·      Cilmi iyo tabtiisi markaan, Tamarta caal waayo.
·      Caguhuna tallaabada gabaan, Celinin toosnaanta.
·      Ayay iga tagtaa Caashadaan, Caysh u tebi waayo.

Wuxuu Axmad qori jirey maqaallo iyo qoraallo aad u tiro iyo tayo badan, oo ka la duwan, dhinaca arrimaha bulshada, siyaasadda, dhaqanka iyo sooyaalkaba, haddana, waxaa intaas u dheeraa, inuu curiyey sheekooyin badan oo mid ka mid ah uu buugeeyey, labana diyaarsan yihiin, haddii Weyne oggolaadona waan soo saari doonnaa dhaxalkuu uga tegay umaddiisa, si riyadiisii ugu rumowdo riyadiisii Sheekooyinka uu qorey waxaa ka mid ahaa:

·      Nasiibka Nolosha 1975(Buug la daabacay)
·      Run iyo Been
·      Yaa Khaldan yaa dulman?
·      Sirta Nolosha
·      Nimaan dhulmarin  dhaayo ma leh (xusuusqor olalaha Reer Miyiga)
·      Soddoho
·      Sooyaalkii Mingolka iyo Jinkis Khaan (Tujumaad)

Dhanka ugu saamaynta badan, ee abwaan Axmad caanka ku ahaa, waa in uu ahaa abwaan bulsho ku dhexjir ah, si gaara ah dhallinyarada u la ahaa saaxiib dhaw iyo sheeko wadaag.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Galayr777@gmail.com

About admin